Hargaysa (HP): Waxaa 26-kii bishan dalka Jarmalka ku geeriyooday ALLE ha u naxariistee hooblkii caanka ahaa ee Cabdi Cali Maxamed (Cawalwaan).
Fanaan Cabdi Cali Bacalwaan, oo muddo dheer ku soo jiray fanka Soomaalida waxa uu sanadkii 1944-kii ku dhashay gobolka Doollow ee haatan ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Halkaasoo uu noloshii yaraantiisii ku soo bar-baaray. Sida uu sheegay suldaan Maxamed suldaan Axmed Jaamac, oo ay marxuumka qarroobo ahaayeen.
Kadibna waxa uu u wareegay dhinaca magaaladda Muqdisho, xoriyadii Soomaaliya kadib.
AHUN marxuum Bacalwaan, ayaa fanka ku soo biiray horaantii sanadkii 1966kii xiligaasi oo ka mid ahaa kooxdii ciidanka milateriga Soomaaliya ee xoogga dalka.
Isagoo markii danbena ka mid ahaa fanaaniintii u horeeyay ee lagu aasaasay kooxdii caanka ahayd ee hoobaladda Waaberi.
Fanaan Bacalwaan, ayaa ahaa heesaa, jilaa, cod sameeye ama laxamayste oyo sidoo kale hal abuure.
Waxaanu qaaday heeso fara badan oo isugu jira jacayl, iyo Waddani. Sidoo kale wuxuu ka qayb qaatay jilista riyaado aad u fara badan oo si weyn uga caan baxay geyiga Soomaalida.
Marxuum Bacalwaan, ayaa sidoo kale waxa uu laxameeyay heeso aad u tiro badan oo isugu jira jacayl iyo Waddaniba.
Hadaba waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa barnaamij uu telefishanka qaranka Somaliland ka diyaariyay geeridda marxuum Cabdi Cali Bacalwaan.
Waxaana barnaamijkaasi ka qayb qaadanaya fanaaniin iyo abwaaniin caan ka ah geyiga Carro-edeg oo haatan ku nool magaaladda Hargaysa.
Kuwaasoo ay marxuumka muddo dheer soo wada shaqeeyeen, isla markaana uu fanaaniinta qaarkood wax ka jilay riwaayado ay sameeyeen.
Sidoo kalena wuxuu fanaanku ku luuqayn jiray heeso badan oo ay abwaaniintaasi curiyeen.
Abwaaniinta barnaamijka tacsiga Bacalwaan, ka hadlay waxaa ka mida Maxamed Aadan Dacar, Cabdi Aadan Xaad (cabdiqays) iyo fanaaniin kale.
Daawo: Barnaamijka Tacsida Marxuum Bacalwaan:
https://youtu.be/OfsEbqceSyM
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.