ACCRA, (HargeisaPress) —Ugu yaraan 100-qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku Dhaawacmeen kaddib Dab ka dhashay Qarax Koronto oo Qabsaday Kaalin Shidaal oo ku yaalla Xarunta Dalka Ghana ee Accra, iyadoo xalay oo dhan ay magaaladaas ka da’ayeen Roobab Mahiigaan ah.
Afhayeenka Damb-dambiska Gaana, Prince Billy Anaglate oo la hadlay warbaahitna ayaa Sheegay in Qaraxu ka dhashay Koronto si lama Filaan u Qabsatay Gaadhi Xamuul ahaa oo marayay meel ku dhow kaalinta shidaalka, kaddibna uu dabkii si fudud ugu fiday Kaalinta iyo Dhismayaal ku dhow. the Associated Press news agency reports.
Dabka ayaa burburiyay kaalinta shidaalka iyo gaadiid halkaas yaallay, waxaana kale oo uu Bur-bur Xooggan u geystay Dhismayaal Waaweyn oo Kaalinta Shidaalka ku dhow, iyadoo mas’uuliyiinta Ghana ay ku sheegeen dabkan inuu yahay kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Ghana muddo sannado ah.