Daawo Muuqaal: Maxkamadda Sare oo Kulan Wada Tashi ku saabsan Khilaafka Doorashooyinka 3 Xisbi la Yeelatay

0
859

Hargeysa, (HargeisaPress) — Maxkamadda Distooriga ah ayaa Maanta Kulan Wada tashi Waxay la yeelatay Madaxda Sadexda Xisbi qaran si ay u dhagaysato aragtidooda ku saabsan Qaraarkii Golaha Guurtida iyo soo Jeedintii Axsaabta qaranka taas oo lagu qabtay xarunta Maxkamadda Sare.

Kulankaas ayaa Markii uu dhamaaday Waxaa Afka Sadexda Gudoomiye ee Xisbiyada Qaranka ku hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Dhinaca Kale Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Distooriga ah Garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa iftiimiyay Sababta dhalisay inay Kulankan la qaataan Sadexda Xisbi Qaran.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here