Muqdisho, (HargeisaPress) —Dibad bax lagaga soo horjeedo isku daygii miletariga turkigu ay ku doonayeen in talada meeshaasi ay kula wareegaan ayna meesha ka saaraan madaxweyne ordugaan ayaa lagu qabtay magaalada muqdisho gaar ahaan fagaaraha dahjirka dahsoon waxaana kasoo qayb galay wasiiro ka tirsan xukuumada soomaaliya,gudoomiyaha gobolka banaadir ,culumo awdiin iyo dadweyno aad u farabadan
Dibad baxayaasha ayaa socod ku maray fagaaraha daljirka ilaa safaarada turkiga ee muqdisho oo ku taala degmada cabdicasiis
Waxaana halkaa hadalo kasoo jeediyey cabdirashiid axmed salaad gudoomiyaha haayada culumada soomaaliyeed
iyo gudoomiyaha gobolka banaadir yuusuf xuseen jimcaale oo dibad baxayaasha si wadajira ula hadlay.
Halkan ka daawo muqaalka:
https://www.youtube.com/watch?v=y0pSbJ7gJ70