Laascaanood (HP):Waaxda cashuuraha ee Dawlada hoose Degmadda Laascaanood ayaa bilowday qaadista cashuuraha lixbiloodka ah ee ku waajibay wadayaasha gaadiidka dadweynaha.
Waxaanay shaqaalaha cashuurqaadista oo uu hormuud u yahay agaasimaha waaxda cashuuraha ee dowladda Cabdiraxmaan Cabdilaahi Koronto, ay si habsami ah u wadeen cashuur qaadistooda.
Waxaana masuuliyiinta dowladda hoose oo maayarka degmadu hormuud u yahay ay bulshadda degmada Laascaanood ugu baaqeen kana codsadeen inay cashuurta ku waajibtay bixiyaan.
Sida uu sheegay Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, duqa degmada Laascaanood in masuuliyiinta dawladda hoose ay mashaariic horumarineed ka wadaan Degmada Laascaanood kuwo kalena ay u qorshaysan yihiin
Masuuliyiinta dawladda hoose oo warbaahinta kula hadlay xaruunta dowladda hoose ayaa Wado.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.