Laascaanood (Hargeisa Press): Maayarka degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, ayaa maanta dhagax dhigay balaadhinta iyo dib u dhiska jidka hal-bawlaha ee dhex magaaladda Laascaanood.
Dhagax dhiga jidkaasi waxaa maayarka ku wehelinayay maayar ku-xigeenka Laascaanood Axmed Kawte, xoghayaha dawladda hoose ee Laascaanood Cabdiraxmaan Khadar Gaas, iyo saraakiil ka tirsan dawladda hoose.
Dib u dhiska iyo balaadhinta jidkaasi muhiimka ah ee dhex mara magaaladda Laascaanood ayaa isla maanta ba la bilaabay shaqadiisa.
Waxaana hirgelinaysa dhaqaale ahaan casriyaynta jidkani dawladda hoose ee degmadda Laascaanood, sida uu sheegay maayar Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, oo ka hadlayay dhagax dhiga jidkaasi.
Cabdiraxiin Cali Ismaaciil, waxa kaloo uu xusay in hirgelinta Wadaddani ay ka mid tahay qorsheyaasha horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo waddooyinka ee ay dawladda hoose ee Laascaanood ku doonayso in ay magaaladda ka fuliso.
DAAWO: Maayarka Laascaanood oo arrimahaasi ka hadlaya:
Geesta kale maayarka ku-xigeenka degmadda Laascaanood Axmed Kawte, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay dhagax dhiga jidkani, iyadoo isla maanta ba la bilaabay dhismihiisa.
DAAWO: Hadalkii Axmed Kawte:
Waxa kaloo isna halkaasi ka hadlay xoghaya dawladda hoose ee degmadda Laascaanood Khadar Gaas:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.