Cusbitaalka Magaaladda Kismaayo Oo Qarka U Saaran In Uu Xidhmo

0
579

Kismaayo (Hargeisa Press.com): Xaaladda cusbitaalka guud ee magaaladda Kismaayo ayaa laga dayrinayaa kadib markii ay gebi ahaanba dhamaadeen daawooyinkii iyo agabkii kale ee adeegyadda caafimaad bulshadda loogu fidin jiray.

Waxaana la soo sheegayaa in aanu hadda wax adeeg ah ka heli karin cusbitaalkaasi bukaanka jiifa iyo kuwa kale ee adeegyadda caafimaad u soo doonta.

Arrintani ayaa ka dhalatay kadib markii dawladda federaalka Soomaaaaliya xayiraaadda saartay gebi ahaanba diyaaradaha tegaya magaaladda Kismaayo, tan iyo wixii ka danbeeyay markii Axmed Madoobe 22-kii bishii hore madaxweynaha maamulka Jubaland loo doortay.

Inkastoo aanay weli dawladda federaalka Soomaaliya si rasmiya uga hadal arrinta Kismaayo, hadana madaxda shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in lagu wargeliyay in aanay Kismaayo u duuli karin. Taasoo ku ekayd shalay gelinkii danbe.

Cusbitaalka guud ee Kismaayo  ayaa ku tiirsan oo dawooyinka ka heli jiray hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka ka shaqeeya, taasoo diyaarado lagu gayn jiray Kismaayo.

Waxaana muuqata in cusbitaalku qarka u saaran yahay in uu xidhmo haddii aan wax laga qaban xaaladda uu hadda ku sugan yahay, sida uu sheegay agaasimaha guud ee cusbitaalka Kismaayo Dr. Xuseen Sheekh Qaasim.

Agaaasimaha ayaa ka dayriyay xaaladda bukaanka cusbitaalka jiifa iyo kuwa bukaan socodka ah ee adeega caafimaad u soo doonta cusbitaalka, daawo la’aanta soo food-saartay awgeed.

“Xaaladda daawo la’aanta cubsitaalka guud ee magaaladda Kismaayo meel xun ayay maraysaa. Waa naga gabaabsi daawadii iyo agabkii kale ee caafimaad,  ee cusbitaalku bixinayay.

Waxaana u sabab ah xayiraadda la saaray diyaaradaha Kismaayo imanay, taasoo imika muddo bil ka badan socotay. Tallaabadaasi saamayn ayay ku yeelatay cusbitaalka, oo daawooyinkii  iyo agabkii kale ee caafimaadka, ee cusbitaalku ku shaqaynayay, imika waa wax go’ay iyo wax gabaabsi ah” ayuu yidhi Xuseen Sheekh Qaasim oo u waramay BBC.

Xuseen Sheekh Qaasim, waxa uu sheegay in markii hore daawooyinka iyo agabka kale ee caafimaad ay uga iman jireen dalka Kenya.

Waxaanu yidhi “Daawooyinku waxay nooga iman jireen Nairobi. Cusbitaalka Kismaayo hay’ado ayaa caawiya, inta badan. Diyaaradaha Nairobi ka yimaadda ayaana keeni jiray daawadda iyo agabka kale ee caafimaad. Diyaaradihiina cuna-qabatayn ayaa beryahan saaran”.

Geesta kale Xuseen Qaasim, ayaa sheegay in dhawr jeer ay dawladda federaalka Soomaaliya kala hadleen cuna-qabataynta la saaray diyaaradaha Kismaayo imanaya, gaar ahaaana saamayn ay adeegaydda dhinaca caafimaadka ku keenayso.

Agaasimaha oo faahfaahin ka bixinayay saamaynta ay diyaaradaha la xayiray ku yeelatay iyo halka ay marayso xaaladda daawo yaraantu, waxa uu yidhi “Si xun ayay arrintaasi u saamaysay cusbitaalka Kismaayo. Bukaanadii adeega caafimad ka heli jiray, maanta kama helayaan cusbitaalka.

Cusbitaalku adeegyadda caafimaad ee uu bulshadda siiyo, waa lacag la’aan, oo dadka wax lacag ah lagama qaado.

Qalabka caafimaadka ee naga go’an  waxaa ka mida, qalabka Dhiiga lagaga shubo dadka. Daawooyinkii kale ee dadka xaaladaha deg dega ah lagu bad-baadin jiray, iyag-na way go’an yihiin”.

Waxa kaloo uu sheegay agaasimaha guud ee cusbitaalka magaaladda Kismaayo in aanay haba yaraatee wax taageero ah ka helin wasaaradda caafimaadka dawladda federaalka Soomaaliya.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Wasaaradda caafimaadka dawladda federaalka Soomaaliya, haba yaraatee wax caawimaad ah cusbitaalka Kismaayo kama hello.

Caqabadaha na haysta marar badan ayaanu dawladda federaalka kala hadalnay, wax ka soo Naaso cadna ma jiran”.

Agaasime Xuseen Sheekh Qaasim, waxa kaloo uu intaas raaciyay, “Waxa kaloo jirta bukaanadda kale, ee aanu anagu waxba ka qaban kari wayno, waanu diri jirnay, oo waxaanu u diri jirnay meelo kale oo wax lagaga qaban karo. Ama gudaha ha noqoto ama dibadda ha noqoto.

Bukaanadii aanu diri jirnay, imika ma jirto fursad lagu diro. Waddada keliya ee furan, ee ay mari jireena waxay ahayd diyaarad lagu qaado, tiina imika ma jirto” ayuu yidhi Xuseen Qaasim.

Ka sekow dadka reer Kismaayo waxaa cusbitaalkaasi ku xidhnaa bukaano laga keeni jiray degaamadda gobolka ku xeeran, sida Dhoobley iyo Afmadow.

Dhinaca kale agaasimaha cusbitaalka Kismaayo waxa uu ka hadlay waxa ka dhalan kara haddii arrintani sii socoto. Waxaanu yidhi “Haday arrintani sii socoto, waxaa dhalanaya adeegii caafimaad ee cusbitaalku bulshadda siinayay, wuu joogsanayaa.

Waxaana imanaysa arrin aad u xun oo ah in ay dad badani u dhintaan dhibaatadda kolkaa ay qabaan. Ama dhaawac soo gaadhay ama dhiig bax in ay u dhintaan, dad fara badani ayaa dhici karta”ayuu yidhi Xuseen Sheekh Qaasim.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here