Jigjiga (Hargeisa Press)- Deegaanno ka tirsan ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ka dilaacay cudurro sababay dhimasho iyo waxyeello kale oo ayna hore u aqoonin dadka ku dhaqan aagaas, sida uu sheegay nin ay saameynta cudurradaas gaadhay qaar ka mid ah eheladiisa.
Xanuunnadan oo ay sidoo kale wax ka qoreen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah ayaa soo jiray muddo dhowr sano ah, iyagoo galaaftay nolosha dad badan, halka kuwo kalena ay la il daran yihiin.
Axmed Maxamed oo ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa hadda ayna garan karin waxa ay yihiin cudurradan iyo sabab rasmi ah oo ay ka dhasheen toona.
Dadka uu ku dhacay ayuu sheegay inay dhakhaatiirta magaalada Addis Ababa ka deyriyeen xaaladdooda.
“Ilaa laga soo billaabo sanadkii 2014-kii, waxaa deegaanka kusoo badanayay xanuunno fara badan oo ay ka mid tahay in qofku uu isbuuc ama laba isbuuc xanuunsanaado, kaddib ay indhihiisu isu baddalaan midabka jaallaha, kaddib uu qofku hadli waayo, laba ama saddex bilood kaddibna uu geeriyoodo”, ayuu yidhi Axmed.
Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yidhi: “Aniga kula hadlayaa dad fara badan oo qoyskeyga ah, oo degmada Dhooba Weyn aan ku wada nool nahay ayey cudurradaas qaarna u dhinteen qaarna hadda la xanuunsan yihiin. Xitaa waxaa jira oday adeerkey ah oo maalin dhaweyd laga soo celiyay magaalada Addis Ababa, oo dhakhaatiirtu ay yidhaahdeen ‘ninkan waxba kama qaban karnee meeshii uu ku dhiman lahaa hala geeyo’, dhakhtar dibadda ah in loo dirana wax micno ah ma keeneyso”.
Axmed ayaa sheegay in sanadkii 2015-kii gudihiisa ay xanuunnadan awgood deegaanka ugu dhinteen ilaa 14 dhalinyaro rag ah, kuwaasoo ay da’dooda u dhaxeysay 14 ilaa 30 sano.
‘Xanuunkan waa mid dadka ku cusub’
Degmada Shilaabo iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobolka ayaa lagu soo warramay in ay ka jiraan xanuunnadan la garan la’yahay waxa ay yihiin.
Ninkan ku sugan degmada Dhooba Weyn, oo sii sharraxayay xaaladdan argagaxa galisay dadka deegaanka ayaa sheegay in cudurradan ay yihiin kuwo aan hore loo sii aqoonin, mararka qaarna sababa xaalado aad loola yaabay.
“Hadda Degmada aan joogo waxaa ku nool in ka badan 20 carruur ah oo dhashay iyagoo curyaamo ah, oo aan hadleynin.
“Waxyaabaha kale ee aan aragnay waxaa ka mid ah in qof caafimaadkiisu caadi yahay oo habeenkii marka uu seexdo subaxdii soo kacaya isagoo dhagool ah oo aan waxba maqli karin, sidoo kalena hadli karin. Degmada Dhooba Weyn gudaheeda, in ka badan 20 ruux, oo qaar ay ehelkeyga yihiin ayaa sidii ay caadi u ahaayeen mar qudha la arkay iyagoo wada waalan. Waxaa kale oo aan aragnay in dadka iyagoo dhalinyaro ah uu cirridka afka qodmay ayna ilkaha ka wada daadanayaan”, ayuu yidhi Axmed.
Haddaba maxay dadka deegaanku u maleynayaan sababta?
“Ma jirto xaqiiqo raadin rasmi ah oo lagu sameeyay xanuunkan meesha uu kasoo billowday iyo sababta keentayba, laakiin annagu waxaan u sababeynay in waxan ay ka dhasheen sun dhulkan lagu daadiyay”, ayuu yidhi Axmed.
Maamulka gobolka ayaase sheegay inay hadda ku howlan yihiin sidii ay arrintaas uga sal gaadhi lahaayeen.
Wasiirka Caafimaadka ee deegaanka Soomaalida Itoobiya, Dr Yuusuf Maxamed ayaa ka hadlay cabashadan.
“Annagoo dowladda dhexe la kaashaneyna, waxaan qorsheyneynaa inaan koox isku dhaf ah u dirno deegaannadaas, ilaa haddana ma jirto xog gaar ah oo aan helnay, mana xaqiijin karno arrintan. Balse guud ahaan xaaladda degmooyinka dhibaatada laga soo sheegayo Jimcaha ayaan u direynaa dhakhaatiir iyo Khubaro soo ogaata waxa jira”, ayuu yidhi Wasiirku.
Waa markii ugu horreysay ee cudurradan ay warbaahinta kasoo shaac baxaan.
Tan iyo bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa ka jirta maamul uu hoggaamiyo Madaxweyne Mustafa Cumar.
Hargeisa Press Desk /Jigjiga Office.