Berbera,(HargeisaPress) – Ciidanka Ilaalada xeebaha JSL ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan doon kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen taasi oo ku xumaatay biyaha dalka Jibuuti.
Doontan ayaa sabaynaysay mudo 12 maalmood ah biyaha udhexeeya Jibuuti , Yemen iyo Somaliland kadib markii ay ka shiraactay Magaalada Saylac 15 bishan aynu kujirno .
Ciidamada Somaliland, Jibuuti iyo kuwa Yemen ayaa ku hawlnaa sidii loo heli lahaa doontan iyo laba qof oo saarna balse waxaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan doonta oo heehaabaysa meel 22 N/Mile kaga been dhinaca waqooyi ee magaalada Buluxaar
Doontan kaluumaysiga iyo labadii qof ee saarnaa ayaa la soo gaadhsiiyey Magaalo marseeda Berbera iyagoo caafimaadqaba .

















