Ciidanka socdaalka iyo ilaalada xudduudaha JSL oo sheegay in aan dalka lagu soo geli karin fiise ay bixisay dawladda Soomaaliya.

0
331

Hargeysa,(HargeisaPress)– Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Taliyaha ciidanka socdaalka Sareeye guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane).

Warsaxaafadeedkaas oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa Ciidanka socdaalku kaga hadleen nidaamka lagu soo geli karo dalka, waxaannu u qornaa sidan:-

“Waaxda Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay ku wargelinaysaa guud ahaan shacabka, shirkadaha duulimaadyada, wakaaladaha socdaalka, safaaradaha, iyo dhammaan dadka u safraya Jamhuuriyadda Somaliland arrimaha soo socda:

Iyadoo lagu duulayo awoodda sharcigu siiyey ciidanka socdaalka sida ku cad Sharciga Socdaalka iyo Ilaalada Xuduudaha (Sharciga Lr. 109/2025), iyadoo la raacayo waajibaadkeeda ku wajahan nidaaminta soo gelitaanka, deganaanshaha, iyo bixitaanka ajaanibta, ciidanka socdaalku waxay caddaynaysaa qodobadan:

1. Fiisayaasha ama oggolaanshaha socdaal ee ay bixiso Soomaaliya lama aqbali doono in lagu soo galo Jamhuuriyadda Somaliland. Dukumentiyadaas lagama aqoonsana xuduud kasta oo ku taala Somaliland. Qof kasta oo wata fiiso noocaas ah waa loo diidi doonaa inuu soo galo dalka, waxana lagu dabaqi doonaa nidaamka sharciga socdaalka ee qaranka.

2. Ajaanibta doonaysa inay booqdaan Somaliland waxay heli karaan:

A. Fiise lagu qaato marka la yimaaddo Garoonka madaarka caalamiga ah ee Hargeysa ama Garoonka Caalamiga ah ee Berbera, iyadoo la marayo baadhitaanka socdaalka iyo bixinta lacagaha khuseeya.

B. Inay codsadaan fiise gelitaan ah oo laga helo Safaaradda, Qunsuliyadda ama Xafiiska Somaliland ee ugu dhow. Xafiisyadan waxay ku yaallaan dalal ay ka mid yihiin: Kenya, Itoobiya, UK, Maraykanka, Taiwan, Turkiga, Jabuuti iyo xarumo kale oo la aqoonsan yahay.

3. Qof kasta oo haysta fiise gelitaan ama fiise deganaansho oo Somaliland ah wuxuu dalka ku soo geli karaa keliya xuduudaha rasmiga ah ee loo asteeyey, wuxuuna mari doonaa baadhitaanka caadiga ah ee socdaalka.

Nidaamkani wuxuu rasmi ah dhaqan-galayaa isla markiiba, waxaannu sii jiri doonaa ilaa wax laga beddelayo ama la laalayo, iyadoo lagu beddelayo nidaam kale oo ka soo baxda hay’adda awoodda u leh.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here