Laascaanood (HP): Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa maanta dhirbaaxo culus ku dhuftay Ciidanka maamul gobolleedka Puntalnd oo saaka weerar ku soo qaaday.
Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland ee qaybta 12-aad Sareeya Guudo Faysal Cabdi Bootaan, oo warbaahinta Qaranka uga war bixiyay dagaalkii ay soo qaaday Puntland, ayaa sheegay in ay dagaalkii ku guulaysteen.
Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada dagaalkii Laascaanood ee maanta waxaa ka warbixiyay Af-hayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland oo sheegay in dagaalka ay ku jabeen kooxihii soo qaaday.
DAAWO: Hadalka Af-hayeenka Ciidanka Qaranka Somaliland:
Hargeisa Presa.com/Hargeisa Office.