Ciidanka Dab-demiska JSL Oo Ka Warbixiyay Kaalin Shidaal Oo Ku Gubatay Berbera

0
574

Berbera (HP): Taliyaha guud ee ciidanka dabdemiska Somaliland sarreeya Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaxili iyo saraakiil u hoggaaminaayey ayaa kormeeray kaalmaha shidaalka magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Booqashada taliyaha iyo saraakiisha wehelisa waxa ay ku saabsaneyd sidii ay ugu kuur-gali lahaayeen qaabka kaalmaha shiidaalka ee Magaalada Berbera ay ugu diyaarsan yihiin badqabka iyo taxadirka khataraha iyo nidaamka dhinaca nabadgelayadda, haysasahda qalabka dabdaminta iyo tababarada la xidhiidha.

Ciidamada dabdemiska qaranku waxay had iyo goorba heegan ugu jiraan dadweynaha sidey uga wacyi gelin lahaayeen khataraha Waxyaabaha dabka dhaliyo iyo sidii looga hor tegi lahaa.

Geesta kale ciidanka Dabdamiska Somaliland ayaa ugurmaday dabqabsaday Kaalin Shidaal oo ku taala Xaafada Shacabka ee magaalada Berbera.

Ciidanka Dab-demiska ayaa bulshada ku wargeliyay, in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo dab sababi kara.

Sidoo kale waxaa iyadana ciidamada Dabdemisku damiyeen dab ka kacay Booyad.

Waxaanay ciidamadu guud ahaanba xakameeyeen hantidii kaalinta, gaadiidkii iyo meheradihii u dhawaa.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here