Ciidamo Tiro Badan Oo La Sheegay In Lagu Daad Gureeyey Lixdii Goobood Ee Ku Yaalay Waqooyiga Magaalada Hargeysa Iyo Xaalada Deegaanadaasi Ku Sugan Yihiin

0
902

Hargeysa, (HargeisaPress) —Warar xog ogaal ah oo ay helayso Shabakada Wararka HargeisaPress ayaa sheegaya in xalay niskii danbe ciidamo tiro badan oo ah ciidamada militeriga ah ay xukuumadda Somaliland u daad guureeysay lix goobood oo ku yaala waqooyiga magaalada hargeysa isla markaana xukuumaddu shalay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka qabsoomayso diiwaangalinta codbixiyayaashu.

 

Ciidamadan iyo kolonyadooda ayaa la sheegay inay xalay saqdii dhexe abaaro 3-dii habeenimo ay ka baxeen caasimada hargeysa iyaga oo u jihaystay dhankaa iyo lixda goboood ee waqooyiga hargeysa oo mudooyinkii u danbeeyeyba sansaan colaadeed laga dareemayay.

 

Deegaanada oo lix goobood islamarkaana muddo badan ka caaganaa inay ka dhacaan doorashooyinka Somaliland ayaa ay xukuumadda Somaliland shalay si rasmi ah ugu dhaawaaqday inay ka qabsoomayso diiwaangalinta codbixiyayaashu,sidoo kalena waxa iyaguna talaabadan kasoo horjeeda bulshada gobolka awdal,iyaga oona labada beelood oo deegaanadani ku muransan ay warbaahinta isku mariyeen hadalo xanafleh.

 

Deegaanadan ayaa naloo sheegay inaanay ilaa hadda wax dhibaato ah ka dhicin oo ay dagan tahay, wallow ay deegaanada qaar laga dareemayo sansaan colaadeed isla markaan ay buuraha galbeedka awdal ay galeen ciidamo maleeshiyaad ah oo la magac baxay JBBC,kuwaasoo kasoo horjeeda qabsoomida diiwaangalinta lixdan goobood.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here