Ciidamo ka tirsan Milateriga Somaliland oo tabobar loogu soo xidhay Itoobiya

0
3188

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Milateriga ee Somaliland, ayaa waxaa tabobar muddo u socday loogu soo xidhay dalka Itoobiya, kuwaasi oo noqonaya wejigii koowaad.

Taliyaha ciidamada Qaranka Somaliland, Sarreeye Guud Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan dalka Itoobiya, ayaa goob-joog ka ahaa munaasibadda loo sameeyay ciidamada oo tiradoodu ka badan tahay in kabadan 2 kun oo Askari.

Ciidamadan, ayaa qayb ka noqonaya Tobannaan kun oo Askari oo Milateriga Somaliland ka tirsan oo tabobarro kala duwan ku soo qaatay Kuliyadaha tabobarka Ciidamada ee dalka Itoobiya.

Ciidamadan ka tirsan Milateriga Somaliland oo tabobar ku soo qaatay Kulliyadda difaaca ee ugu sarreysa Itoobiya, ayaa waxaa la filayaa inay soo gaadhaan caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulliyadda difaaca ee ugu sarreysa Itoobiya ee (Ethiopian Defence War College-DWC), ayaa tababarta heerarka istaraatiijiyadeed ee milateriga, Kulliyadu waxay si buuxda u hawlgashay Oktoobar 2019, iyada oo ah machad cilmi-baadhiseed iyo istiraatijiyadeed ee ugu horreeya heerka koowaad ee Itoobiya.

Dowladda Itoobiya, ayaa waxa ay si joogta ah tabobar u siisaa Saraakiisha iyo Ciidamada Somaliland, iyada oo sannadihii la soo dhaafay ay saraakiisha iyo ciidamada Somaliland ay ka faa’iidaysteen tababbarka Itoobiya siiso.

Sida la wada ogsoon yahay labada dowladood ee Somaliland iyo Itoobiya, ayaa waxay kala saxeexdeen heshiis isfaham oo taariikhi ah, kaasi oo ay si weyn u soo dhaweeyeen wadamada caalamku.

Labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya waxa ka dhexeeya xidhiidh taariikhi ah iyo saaxiibtinimo xooggan. Waxayna labada dal wadaagaan xudduudaha ugu dheer iyo xidhiidh adag.

Waxaa kale oo ay labada dal iska kaashadaan xuduudaha amniga, la dagaallanka argagixisada, kor u qaadista ganacsiga, qaybaha dhaqaalaha iyo danaha wadaagga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here