Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Puntland Oo Dhoola-tus Ka Sameeyay Buuhoodle

0
656

Buuhoodle (Ciidamo la sheegay in ay ka tirsan yihiin kuwa maamulka goboleedka Puntland ayaa maanta dhoola-tus ku soo bandhigay magaaladda Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Togdheer ee Somaliland.

Ciidamadan oo tiradoodda lagu qiyaasay ilaa kontomeeyo ayaan ku lebisnayn diray isku mid ah, isla markaana u muuqday in ay yihiin maleeshiyo beeleedyo la isku soo ururiyay.

Sidoo kale ciidamadan maanta dhoola-tuska ka sameeyay Buuhoodle ayaanay ka muuqan hub culusu oo ay siteen, marka laga reebo qoryaha fudud. Iyadoo aanay sidoo kale jirin wax gaadiid ciidan ah oo hub saaran yahay oo goobta  joogay.

Waxaana jirtay in kooxdan maleeshiyadda ah ay wateen calanka Soomaaliya oo u saaran baabuurta iyo meeshii ay gaardiska ku soo bandhigeen. Mana jirin wax astaan ah oo muujinaya in ay ciidamadda Puntland ka tirsan yihiin oo halkaas laga arki karro.

Muuqaal uu baahiyay Horn Cable TV  ayaa nin magaciisa ku sheegay C/qani Sulub Dhegaweyne, isla markaana uu yahay  taliyaha ciidamadan ka tirsan Puntland oo ciidankaasi la hadlay ayaa ku  tilmaamay dhoola-tuska ay sameeyeen mid ay ugu diyaar garoobayaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weerar kaga imanaya dhinaca Somaliland.

Waxaanu sheegay in ay cabsi weyn ka qabaan weeraro uga yimaadda dhinaca Somaliland, balse ay iyagu diyaar u yihiin in ay difaacayaan dalkoodda iyo dadkoodaba.

“Haddii aan warbixin idinka siiyo ciidankani waa ciidankii  meelo badan u maray xorayntii Kalshaale iyo  gobolka Cayn. Maanta-na u diyaarsan difaaciisa iyo Dhagarta uu soo maleegayo Nuux Taani.

Waxaanu diyaar u nahay oo aanu wacad ku maraynaa in aanu difaaci doono dalkayaga, diintayadda, dadkayaga iyo sharaftayadaba”ayuu yidhi ninkaasi hor joogaha u ah maleeshiyo beeleedkaasi.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaanu og nahay dhagar badan oo hadda gobolkan Cayn loo soo maleegayo, oo uu waddo maamulka Somaliland. Waanan ka hor tegaynaa, waanan iska difaacaynaa, waanan u dhimanaynaa”.

Geesta kale tan iyo markii lagu dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland 28 sanadood ka hor, waxaa jirtay in magaaladda Buuhoodle aanay marnaba Somaliland si buuxda gacanta ugu dhigin maamulkeedda.

Iyadoo magaaladda Buuhoodle ay tahay degmo ka tirsan gobolka Togdheer oo ku yaalla badhtamaha Somaliland, isla markaana  dhamaanba degaamadda gobolkaasi ay gebi ahaanba maamulkiisa gacanta ku hayso Somaliland marka laga reebo Buuhoodle.

Ma jiro maamul ama xukuumad si buuxda gacanta uga haysa maamulka magaaladda Buuhoodle, haddii ay Somaliland noqoto  iyo haddii ay Puntland tahayba.

Waxaana jirta in marar badan ay Puntland sheegato gacan ku haynta magaaladaasi, iyagoo ku andacoonaya qabiilnimo. Balse Buuhoodle ayaa ilaa xiligii gumaysiga ka tirsan gobolka Togdheer.

Dhinaca kale todobaadkii hore waxaa jiray warar sheegayay in magaaladda Buuhoodle ay yimaadeen ciidamo ka tirsan ururka Daacish oo xarumo ku leh degaamo ka tirsan Puntland.

Inkastoo  ilaa hadda aanay jirin warar xaqiijinaya in ciidamadaasi ay yihiin Daacish, arrintaasi oo shaki weyn iyo cabsi ay ka muujiyeen dadka degaankaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here