Ciidamadii Milateriga Somaliland ee tabobarka kusoo qaatay Itoobiya oo la-soo dhaweeyay

0
1781

Wajaale (Hargeisa Press)- Waxaa maanta gelinkii dambe, magaalada Wajaale si weyn loogu soo dhaweeyay Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan Ciidamada Milateriga ee Somaliland, kuwaas oo tabobar muddo u socday loogu soo xidhay dalka Itoobiya.

Ciidamadan, ayaa waxaa magaalada Wajaale si ballaadhan ugu soo dhaweeyay shacabka kala duwan ee magaalada Wajaale.

Taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Sarreeye Guuto Nuux Ismaaciil Taani iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada, ayaa horkacayay ciidamada tabobarka soo dhamaystay.

Ciidamadan ka tirsan Milateriga Somaliland ee tabobarka ku soo qaatay dalka Itoobiya, ayaa noqonaya wejigii kowaad ee ciidamadii ugu badnaa ee Milatariga Somaliland.

Waxaanay ciidamadan tabobarka soo dhamaystay ay tiradoodu ka badan tahay in kabadan 2 kun oo Askari.

Ciidamadan, ayaa qayb ka noqonaya tobannaan kun oo Askari oo Milateriga Somaliland ka tirsan oo tabobaro kala duwan ku soo qaatay Kuliyadaha tabobarka Ciidamada ee dalka Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here