Charles Tannock: “Somaliland Waxaan U Rajaynayaa Inay Ku-Guulaysato Difaaca-Dhulkeeda iyo Qaranimadeeda”

1
2818

Washington (Hargeisa Press) – Charles Tannock, oo ahaa xubin hore oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub ee London, ahna Siyaasi ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Dalka Mareykanka, ayaa sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay Somaliland difaaci doonto dhulkeeda iyo madaxbanaanideeda.

Charles Tannock, oo qoraal ku baahiyey boggiisa Twitter-ka, ayaa intaasi ku daray inay Somaliland Iftiin u ahayd xasiloonida Geeska Afrika sannado badan, balse uu adduunku ka gaabiyey inuu aqoonsado qadiyaddeeda madaxbanaanida.

Siyaasigan, ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay inay Somaliland ay suggayso jiritaankeeda dowladdeed iyo shakhsiyaddeeda qaanuuniga ah.

“Waxaan u rajaynayaa Somaliland inay ku guulaysato difaaca dhulkeeda iyo dawladeeda. Qaranimadeeda iyo madax-banaanideeda waxay ahayd in sannado ka hor ay beesha caalamku aqoonsato aragtidayda maadaama ay iftiin u ahayd xasiloonida Geeska Afrika”. ayuu yidhi Charles Tannock.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here