“Cadowga ugu weyn ee Somaliland waa Qabyaaladda” Wasiirka Amniga JSL.

0
592

Hargeysa (HargeisaPress) – Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdalle Maxamed Carab, ayaa si adag u cambaareeyey saameynta taban ee qabyaaladu ku leedahay amniga iyo wada-noolaanshaha bulshada, isaga oo tilmaamay inay noqotay dhibaato weyn oo u baahan in si toos ah loola dagaallamo.

Wasiirku wuxuu sheegay in xukuumadda cusub ee Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ay ka go’an tahay in la dabar-jaro qabyaaladda, taas oo uu ku tilmaamay “cadowga ugu weyn ee Somaliland maanta wajahdo.”

Wuxuu intaas ku daray in wasaaraddu diyaarisay xeer gaar ah oo lagula dagaallamayo qabyaaladda, kaas oo loo gudbiyey Xeer Ilaaliyaha Guud, lana horgeyn doono Golaha Wakiillada iyo Golaha Wasiirrada si loo ansixiyo.

Wasiirka waxa uu ku celiyey in xukuumadda cusub ay si dhab ah ugu hawlan tahay cidhibtirka qabyaaladda, isla markaana aanay jirin cadow kale oo Somaliland maanta hortaagan.

Waxaanu yidhi.“Somaliland dhibaato kale oo taala majirto, aniga oo ah wasiirkii amniga shaqada ugu adag ee aan haya waa Qabyaalada qabyaladu waxa ay gaadhey in dadkii Islaamka ahaa ay yidhaahdaan xata mayd aasimeyno, waa wax aad iyo aad looga xumaado.

Maanta cadow kale oo Somaliland, leedahay majirto waa Qabyaalada, waxaanu ka shaqeyn doona in qabyaalada dagaal cad ku qaadno, ka wasaarad ahaan xeer illaaliyaha guud ee Qaranka waxaan ugudbiyay xeer lagula dagaalamayo Qabyaalada, kaas oo golaha wakiillada iyo golaha wasiiraddaba la horgeyn doono, kuna xakameyn doono qabyaalada xadhkaha goosatay bulshaduna aanay ka shaqeyn kareyn.

Xukuumadda cusub ee uu hogaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa ka go’an in qabyaalada dabar loo sameeyo, oo la xakameeyo, cadow kale oo JSL, leedahay majiro”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here