Cabdiraxmaan Cirro oo gaadhay xarunta denbi-baadhista Hargeysa – muxuuse kala kulmay

0
1599

Hargeysa (Hargeisa Press)- Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa goor-dhawayd gaadhay xarunta denbi baadhista Somaliland ee C.I.D-da ee magaalada Hargeysa.

Cabdiraxmaan Cirro, ayaa xarunta denbi baadhista u tagay si uu halkaas ugu soo booqdo Xildhibaan Maxamed  Abiib oo maanta Xukuumadu xabsiga u taxaabtay.

Hase yeeshee, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa markii uu gaadhay xarunta denbi baadhista, lagu wer-geliyey in aanu Xildhibaanku ku xidhneyn xarunta denbi baadhista.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa maanta lagu xidhay magaalada Hargeysa, kadib markii laga qabtay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, xilli uu ka soo laabtay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanka, ayaa loo haystaa eedaymo la xidhiidha aflagaado qaran, kala qaybinta shacabka iyo faro gelin uu ku sameeyay arrimaha ciidamada.

Ilaa hada si cad looma garanayo goobta ay xukuumaddu ku xidhay Xildhibaan Maxamed Abiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here