“Bulshadda waxaan u soo jeedinayaa in ay bedelaan isticmaalka Dhuxusha…”

0
553

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ugu baaqday bulshadda in ay u guuraan isticmaalka Gaasta cuntada lagu karsado.

Wasiir Shugri Baandare, ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay ay tahay si loo bad-baadiyo dhirta faraha badan ee sanad walba loo jarro si Dhuxul looga sameeyo.

Waxaanay sheegtay wasiirku in jarista dhirta Dhuxusha laga shiddo ay qayb weyn ka qaadatay dhibaatooyinka xaalufka ee deegaankeenna ku yimid.

Wasiirka, ayaa sidoo kale bulshadda reer Somaliland u soo jeedisay dadka Dhuxilaysatadda ah in ay geedka Garan-waaga Dhuxusha ka shidaan, maadaama oo geedka Garan-waagu uu leeyahay Dhuxul aad u fiican.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, waxay sidan ka sheegtay barnaamijka bandhiga waxqabadka iyo is-la xisaabtanka xukuumadda iyo bulshadda ee xalay ee telefishanka qaranka Somaliland ka baxay oo ay wasiirku marti ku ahayd.

Barnaamijkaasi oo wasiirka ay su’aallo fara badan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ku waydiiyeen dadweynihii ka soo qayb gallay, ayaa dhamaantood ba ay wasiirku si wanaagsan uga wada jawaabtay.

Wasiirka, ayaa ka hor intii aan la furin su’aalaha ay waydiinayeen dadweynuhu waxay ka warbixisay hawlaha shaqo ee wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay, qorsheyaasha iyo hoolka ay hiigsanayso wasaaradu leedahay.

Sida xidhista Seereyaasha, wax ka qabashadda dhul Oodashadda, ilaalinta iyo daryeelka duur joogta, iyo xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta, abaarraha soo noq-noqday, iyo waxyaabaha ay ka qabteen dhibaatooyinka kala gedisan ee haysta degaanka.

Shukri Baandare, mar ay ka jawaabaysay su’aal la xidhiidhay Dhuxulaysiga oo qayb ka qaata xaalufka deegaanka iyo dhibaatooyinka ka dhashay.

Waxay sheegtay in ay ka wasaarad ahaan dagaal xoogan kula jiraan joojinta Dhuxulaysiga, isla markaana hirgeliyeen qorshaha lagu helayo Tamartii bedeli lahayd Dhuxusha, oo ah in loo guuro Gaasta.

Ka wasaarad ahaana ay shirkadaha soo dejiya haamaha Gaasta wax lagu karsado u sameeyeen fududayn, iyo cashuur dhaaf ay xukuumadu ugu samaysay ganacsatadda marka ay haamaha Gaasta ka soo dejinayaan dekadda Berbera.

Geesta kale, wasiirku waxay sheegtay in isbedelka ku yimid guud ahaanba cimiladda adduunka inuu saameeyay Somaliland, taasoo sababtay roob yaraan ay ka sii dhasheen abaarraha soo noq noqday, iyo waxyaabo kale.

Wasiirka, ayaa tilmaantay in dawladaha hoose ay ka wada shaqeeyaan kor u qaadista bilicda magaalooyinka, iyo nidaaminta qashinka, iyadoo wasaarada Deegaanku ay magaalooyinka dalka ku beerto dhir.

DAAWO: BARNAAMIJKAASI OO DHAMAYSTIRAN:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here