Bristol: Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa oo la kulmay aqoonyahanka Somaliland

0
968

Bristol (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan, ayaa kulan la yeeshay bulshada iyo aqoonyahanka reer Somaliland ee ku nool magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska.

Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa warbixin dheer ka jeediyay Agasimaha Cisbitaalkaasi Dr. Cabdiraxman Maxamed Cismaan.

Warbixintaas oo ka koobnayd horumarka Cusbitaalka weyn ee Hargeysa laga sameeyay lixdii bilood ee u danbeeyay iyo sidii Dhakhaatiirta UK wax ku baratay ay aqoontooda uga faa’iideyn lahaayeen dalkoodii Somaliland.

Intii kulkankani socday, waxa aad loogu lafo guray sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa in la kordhiyo tayada iyo adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Cisbitaalka Hargeysa iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen dadka reer Somaliland ee ku nool dalka UK.

Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa, ayaa sidoo kale bulshada ku nool magaalada Bristol faahfaahin ka siiyay sida hagar la’aanta ah ee ay ka Cisbitaal ahaan ugu adeegaan bulshada ku nool Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Gebo’gabadii kulankan, ayaa ku soo dhamaaday is afgarad iyo in meel looga soo wada jeesto sidii loo tayayn lahaa adeega Caafimaad ee Cisbitaalka Hargeysa iyo in ay ka qayb noqdaan bulshada Somaliland ee ku nool UK arrimaha kor loogu qaadayo adeegyada caafimaad ee guud ahaan dalka iyo gaar ahaan Cisbitaalka Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here