Berbera oo Noqonaysa Xarunta Ugu Weyn ee Gargaarka Bani’aadanimo ee Bariga Afrika

0
276

Berbera (HargeisaPress) – Magaalada Berbera ayaa noqonaysa xarunta ugu weyn ee Qaramada Midoobay u marayso gaadhsiinta gargaarka bani’aadanimo ee loo wado dadka ay saameeyeen colaadaha iyo isbeddelka cimiladu ku yeesheen Bariga Afrika.

Xaruntan cusub oo ay hirgelisay Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP, ayaa muhiim u noqon doonta gaadhsiinta raashinka iyo gargaarka kale ee degdega ah.

Xaruntan ayaa si gaar ah u adeegaysa dalal badan oo ay kamid yihiin Soomaaliya, Itoobiya, Suudaanta Koonfureed iyo wadamada kale ee Bariga Afrika ee aan badda lahayn.

Waxay noqon doontaa xarun isugu jirta keydin, diyaarin iyo qaybin gargaar, iyadoo loo marin doono dhinacyada dhulka, badda iyo hawada.

Mashruucani wuxuu sare u qaadayaa doorka muhiimka ah ee dekedda Berbera ay ku leedahay arrimaha bani’aadantinimo, wuxuuna kor u qaadi doonaa awoodda gobolka uu u leeyahay ka jawaabidda musiibooyinka iyo baahiyaha degdegga ah ee dadka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here