Berbera (HP): Alle ha u naxariistee laba qof ayaa maanta ku geeriyooday Badda magaaladda Berbera.
Kuwaasoo la sheegay in ay ka mid ahaayeen dad u dabala tegay Badda, kadib na ay laba ka mid ah liqday Baddu.
Warar aanu Berbera ka helnay ayaa sheegaya in labadan ruux ee Badda ku geeriyooday ay ka mid ahaayeen dhalinyaro dalxiis u tegay magaaladda Berbera.
Geesta waxay noqonaysaa markii labaad oo muddo todobaad gudihii ah ay Baddu liqdo dhalinyaro dalxiis ah oo noloshoodii galaafatay Baddu.
DAAWO: Warkaasi:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office