Beesha Caalamka oo Baaq Ka Soo Saartay Xaaladda Magaalada Laascaanood

0
3577

Laascaanood (Hargeisa Press) – Dalalka Beesha Caalamka, ayaa waxaa ay baaq xaasaasi ah ka soo saareen xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee sababay rabshadaha dhimashada iyo dhaawacu.

War-saxaafadeed kooban oo ay si wada jir ah u soo wada saareen Dalalka Beesha Caalamka, ayaa waxaa ay ku sheegeen inay si weyn uga walaacsan yihiin dhacdadadii magaalada Laascaanood.

Waxaanay dalalka Beesha Caalamku ay War-saxaafadeedkooda baaq ugu jeediyeen Xukuumadda Somaliland, iyagoona ku baaqay in xasillooni, is-xakameyn, isdajin iyo wadahadal lagu dhameeyo xiisadda magaalada Laascaanood.

“Saaxiibada Beesha caalamka, ayaa ka walaacsan rabshadaha Laascaanood ee sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah. Ka hortagga rabshadaha iyo xaqiijinta ilaalinta dadka rayidka ah ayaa ugu muhiimsan. Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo is-xakameyn. Xiisadaha waa in lagu xalliyaa isdajin iyo wadahadal.” ayaa lagu yidhi qoraalka ay soo saareen Dalalka Beesha Caalamku.

Qoraalkan waxaa si wada jira u soo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Canada, Shiinaha, Denmark, Masar, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka and Qaramada Midoobay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here