Beelaha degga Maroodi-jeex, Hawd iyo Togdheer oo taageero u muujiyay Kulmiye

0
1131

Hargeysa (Hargeisa Press)- Mid ka mid ah Beelaha degga gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Togdheer, ayaa waxaa ay taageero xoogan u muujiyeen xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Beelahan, ayaa munaasibad ay ku muujinayeen taageeradooda xoogan ee ay u hayaan xisbul xaakimka Kulmiye, ku soo bandhigay magaalada Hargeysa.

Waxaa munaasibada ka qayb galay hoggaanka iyo madaxda sar sare ee xisbiga Kulmiye, xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka xisbiga.

Odayaasha dhaqanka iyo dhallinyarada beelahan oo munaasibadda hadal ka jeediyay, ayaa sheegay inay cududdooda taageero iyo codkoodaba ay la garab taagan yihiin xisbul xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye.

Madaxda xisbiga Kulmiye iyo xubnaha golaha Wasiirrada oo iyaguna madasha hadal ka jeediyay, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhda beeshan iyo kaalinta ay xisbiga Kulmiye ugu jirto.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here