Bangiga Somaliland oo Xubin Ka Noqday Urur Caalami ah una tafo-xaytay Xoojinta Iskaashiga dhinaca Maaliyadda & Dhaqaalaha ee Taiwan & Caalamka.

0
274

Taipei, (HargeisaPress) – Bangiga Somaliland oo Xubin Ka Noqday Urur Caalami ah una tafo-xaytay Xoog inta Iskaashiga dhinaca Maaliyadda & Dhaqaalaha ee Taiwan & Caalamka.

Somaliland ayaa qaadday tallaabo taariikhi ah oo lagu xoojinayo nidaamkeeda maaliyadeed, iyadoo Bangiga Dhexe ee Somaliland si rasmi ah loogu oggolaaday inuu ka Xubin ka noqdo Ururka Caalamiga ah ee Cayminta Dhigaalka/Keydka Bangiyada (IADI).

Go’aankan ayaa lagu dhawaaqay intii lagu guda jiray Shirka Guddida Fulinta ee IADI kaas oo ka dhacay Taipei 11 September 2025, kana barbar qabsoomay Shirka Caalamiga ah ee Mabaadii’da IADI iyo Xuska 40aad ee Aasaaska CDIC Taiwan oo ah hay’adda cayminta dhigaalka Taiwan.

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliland Cabdinaasir Axmed Xirsi oo hoggaaminayey waftiga Somaliland, ayaa sheegay in xubinnimadani IADI ay tahay caddayn ku saabsan sida Somaliland ay uga go’an tahay dhisidda nidaam maaliyadeed oo daahfuran, adkeysi leh isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.
“In na loo oggolaaday in aanu Xubin ka noqono IADI waxa ay marag u tahay in adduunku qiray in Somaliland ay kaalin wayn ka ciyaari karto nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Xidhiidhkani waxa uu albaabo cusub oo caalami ah u furayaa guud ahaan qadiyadda Somaliland gaar ahaan-na nidaamkeeda maaliyadeed waxa uu ka dhigayaa mid ku xidhan dunida” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdinaasir.

Muxuu yahay Ururka IADI? (International Association Deposit Insurance)

Ururka Caalamiga ah ee cayminta dhigaalka/Kaydka bangiyada waxa la aasaasay sannadkii 2002, waxaana xarun u ah Bangiga Caalamiga ah ee lacag-is-weydaarsiga (Bank of Intentional Settlement) oo ku yaal Basel oo ah caasimada Dalka Switzerland.
IADI waxa uu dejiyaa halbeegyada caalamiga ah ee cayminta dhigaalka ama Kaydka iyo xasilloonida maaliyadeed, waxana uu hadda ka kooban yahay in ka badan 100 hay’adood oo caalami ah oo ay ku jiraan bangiyo dhexe, hay’ado caymis dhigaalka ah iyo hay’ado kormeer maaliyadeed.

Hadafka IADI waa inuu horumariyo nidaamyada cayminta dhigaalka ama Kaydka bangiyada kana dhigo mid wax-ku-ool ah. Ururka ayaa dhinaca kale dhiirrigeliya iskaashiga hay’adaha xubnaha ka ah iyo inuu gacan ka geysto xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee caalamka. Xubinnimadan uu Bangiga Dhexe ee Somaliland kaga mid noqotay Ururkan Caalamiga ah waxa uu ka faa’idayaa inuu helo tababarro, khibrad, iyo taageero farsamo iyo mid dhaqaale maaddaama oo imika uu gacanta ku hayo dhisidda Hay’adda Qaran Ee Cayminta Dhigaalka (National Deposit Protection Fund).

Xoojinta Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan Ee Dhinaca Maaliyadda
Marka laga soo tago hawlaha IADI, waftiga Somaliland ee uu hoggaaminayo Guddoomiye Cabdinaasir ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona Hay’ado kale oo muhiim ah muddada ay joogaan Taipei, caasimadda Taiwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin::

1. Bangiga Dhexe ee Taiwan
2. Hay’adda Kormeerka & Korjoogtaynta Nidaamka Maaliyaddeed (FSC)
3. Hay’adda Dhexe Ee Cayminta Dhigaalka Taiwan (CDIC Taiwan)
4. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Wada-hadallada ay Waftigu la galayaan hay’adahaas Taiwan waxa ay diirada ku saari doonaan dhisidda awoodaha hay’adaha maaliyadeed ee Somaliland, horumarinta kaabayaasha tiknoolajiyadda maaliyadda iyo nidaamyada lacag bixinta, xoojinta habraacyada kormeerka iyo sharci dejinta, iyo helitaanka nidaamyada lacagaha caalamiga ah.

Aragtida Fog Ee Istaraatiijiga ah ee Somaliland
Maaddaama ay ku taallo marin badeedka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed oo u dhow marin-badeedka Bab al-Mandab oo sannadkii uu maro in ka badan 20% ganacsiga Caalamiga ahi, Somaliland waxa ay isu diyaarinaysaa inay noqoto xarun ganacsi iyo isku-socod oo hoggaamisa Gobolka Geeska Afrika. Mashruucyada waaweyn ee Dekedda Berbera, Aagga Cashuuraha Ka Caaggan ee Berbera, iyo Jidka Berbera–Itoobiya ayaa xoojin doona doorkaasi.

Guddoomiye Cabdinaasir Axmed Xirsi waxa uu carrabka ku adkeeyay in nidaam maaliyadeed oo xooggan, hufan, oo si wanaagsan loo nidaamiyey uu muhiim u yahay soo jiidashada maalgelinta iyo xaqiijinta koboca dhaqaale waara.

Farriinta Iskaashiga
Guddoomiye Cabdinaasir ayaa xusay doorkiisii hore ee xidhiidhka Somaliland–Taiwan: “Sharaf weyn bay ii tahay inaan kaalin muhiim ah ka qaatay horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan 2019-kii anigoo ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Maantana, waxa aan ku faraxsanahay in aan Xidhiidhkaa gaadhsiiyo heer cusub oo iskaashi dhinaca Maaliyadda ah, annagoo isku xidhi doonna bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed ee labada dal.

Iskaashigayagu waa farriin caalami ah — laba dal oo dimuqraadi oo in kasta oo aan si buuxda loo aqoonsanayn haddana si madax-bannaan ugu tallaabsaday iskaashi kalsooni,iyo horumar wadaag ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdinaasir.

ALLAA MAHAD LEH

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here