Bangiga Adduunka oo $100 Milyan U Ansixiyay Soomaaliya

0
1036

Muqdisho (Hargeisa Press) – Bangiga Adduunka, ayaa lacag malaayiin dollar ah u ansixiyay Soomaaliya, taas oo loogu talagalay hormarrinta dhaqaalaha Soomaaliya, si ay u gaadho heerarka dhammaystirka ee barnaamijka dayn cafinta ee Soomaaliya.

Lacagtan oo gaadhaysa illaa 100 milyan oo dollar, ayaa waxaa Soomaaliya u saxeexay maamulka sare ee Bangiga Adduunka.

Ujeedada, ayaa ah horumarinta dadaallada Soomaaliya ee ku aadan daah-furnaanta maaliyadeed iyo kordhinta dakhliga, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Bangiga Addunka.

Sidoo kale, waxaa war-saxaafadeedka lagu sheegay in deeqdan lacageed la waafajin doono nidaamyada kastamka ee federaalka iyo hagaajinta maamulka maaliyadeed ee Soomaaliya.

Kristina Svensson oo ah Maamulaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya oo ka hadlaysay taageeraadan dhaqaale ee ay u meelmariyeen Soomaaliya, ayaa sheegtay in sidoo kale wax lagaga qaban doono abaaraha ka jira Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale war-saxaafadeedkan lagu sheegay in lacagtani qayb ka mid ah Soomaaliya lagaga taageerayo la-dagaalanka Ayaxa oo Soomaaliya fara ba’an ku haya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here