Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalintii 2aad galay

0
1452

Hargeysa (Hargeisa Press)- Bandhigga caalamiga ah ee 17aad ee Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair), oo shalay ka furmaya magaalada Hargeysa, ayaa galay maaliintii labaad.

Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, waxa Sannadkan 2024 hal-ku-dheg looga dhigay “IS-AHAANSHO ama TOGETHERNESS”, halka martida gaarka ah ee sannadkan lagu soo sharfay noqday waddanka Woqooyiga Afrika ku yaalla ee TUNISIA oo bandhigga kaga soo qayb-galay wefti ballaadhan oo ku gaashaaman agabka hiddaha iyo dhaqanka iyo taariikhda dalkoodu leeyahay oo lagu soo bandhigi doono inta ay carwadu socoto.

Bandhigga, ayaa furitaankii shalay waxaa lagu soo bandhigay buugaag iyo farshaxanno kala duwan oo ay ka midiyahiin sawirro muujinaya taariikhda bulshada, qalabka dhaqanka iyo hiddaha ee dalalka Somaliland iyo Tunisia iyo agab kale oo qadiimi ah.

 

Sannad kasta oo Bandhigga Buugaagta Hargeysa loo asteeyo hal-ku-dheg u gaar ah iyo mid ka mid ah dalalka Caalamka oo si gaar ah loogu marti-qaado, ayaa socon doona muddo lix maalmood ah laga bilaabo 20-ka ilaa 25-ka bishan July, iyadoo muddada uu socdo lagu soo bandhigi doono barnamijyo kala duwan.

Bandhigga caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, ayaa waxaa sannad kasta lagu marti-qaadaa waddamada caalamka midkood iyo hal-ku-dhig ku lammaan.

Waxa furitaanka bandhigga ka qayb-galay Madaxda ugu saraysa dalka Somaliland, hoggaamiyeyaasha xisbiyada qaranka, siyaasiyiin, aqoonyahano, wufuud ka kala socota, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Tunisia, Ingiriiska, Taiwan, Mareykanka iyo dalalka jaarka, shaqsiyaad qoreyaal, suugaan yahanno iyo dhaqan-yaqaan isugu jira iyo diblo-maasiyiin ka kala socda waddamo kala duwan oo caalamka ah oo sannad walba lagu maamuuso daah-furka Bandhigga.

Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa sharraxaad ka bixiyay nuxurka uu sido hal-ku-dhegga sannadkan ee Is-ahaansho iyo tirada wufuudda ka qaybgashay Bandhigga 17aad ee Buugaagta Hargeysa, kuwaasi oo ka kala socda ku dhawaad 14 waddan.

“Mawduuca sannadkan aannu qaadanay waa Togetherness oo Soomaali markaannu ka dhignay noqonaya Erayga Is-ahaansho, waayo Is-ahaanshuhu wuu ka qaalisan yahay wadajir iyo waxyaabaha kale,” sidaa ayuu yidhi Jaamac Muuse, waxaanu intaas ku sii daray; “Waayo dunta isku xidhaysa Dadka Bina-aadamka ah ee meel wada jooga waa inay istirsadaan, is dareemaan, isu naxaan, is jeclaadaan oo isu hambalyeeyaan marka wanaag la sameeyo”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac.

Bandhiggan oo socon doonaa inta u dhaxaysa 20 July ilaa 25 July 2024-ka, ayaa ah munaasibad-dhaqameed sannad kasta lagu soo bandhigo arrimo khuseeya dhaqanka, buugaagta, suugaanta, bandhig-faneed iyo aqoon-wadaagis loo soo bandhigo wufuud ka socota dalalka sannad walba lagu soo marti-qaado.

Sannad kasta, waxaa bandhigga si gaar ah loogu maamuusaa mid ka mid ah waddamada caalamka oo dhaqankiisa iyo hiddihiisa wax laga barto, waxaana loo asteeyaa mowduuc gaar ah oo sannad kasta hal-ku-dheg looga dhigo bandhigga.

Inta uu socdo bandhiggani waxa xusid mudan in ay khuburrada caalamiga ahi dadweynaha la wadaagi doonaan Aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxyaabaha ajandaha ku jira ee sannadkan la qorsheeyay in xarunta dhaqanku soo tebiso, islamarkaana kulmisa dadyow kala duwan.

Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka Hargeysa iyo Ururka Redsea Culutural Foundation, ayaa markii ugu horreysay laga qabtay magaalada Hargeysa sannadkii 2008-dii, waxaana lagu tilmaamaa inay tahay munaasibad-dhaqameedka ugu ballaadhan ee ka jirta mandaqadda Geeska Afrika.

Muddadaa 17-ka sano ah, ayaa waxaa ay Xarunta Dhaqanku ku marti-qaaday tobanaan Wufuud ah oo ka kala socda Dalalka Yurub, America, Afrika iyo Asia.

Sannadkii 2023-kii, dalka Morocco, ayaa ahaa martida gaarka ah ee lagu maamuusay bandhiggii ugu dambeeyey carwada caalamiga ah ee buugaagta Hargeysa, kaasi oo hal-ku-dheggii sannadkaasi la qaatay ahaa “Adkeysiga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here