Hargeysa (HargeisaPress)– Waa Madal Aqooneed, waa goob lagu lafa-guro wax badan oo aqoon la xidhiidha, waa madal carisa Dadka Madaxooda Hibooyinku ku jiraan, waa Qaan-gaadh isu keenay Boqollaal iyo Kumannaan ka kala yimi Dalalka Qaaradaha Adduunka, noqdayna Sallaan isku xidha dalkan iyo kuwa dunida, waxa lagu soo bandhigaa xambaarayaasha kala duwan ee aqoonta.
Halka aynu ka hadlaynaa waa Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo sannadkasta lagu qabto Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo sannadkan galay kalkii 18-aad ee si xidhiidh ah loogu qabto Bandhigga Buugaagta oo ay soo qaban-qaabiso Xarunta Dhaqanka ee Red Sea Foundation oo bah-wadaag la ah xarunta dhaqanka ee Hargeysa, waana Xarunta ugu wayn Afrika ee Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah, sidoo kale waa xarunta ugu weyn ee Bandhigga Suugaanta iyo Hal-abuurka ee Afrika.
Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo sannadkasta hal-ku-dheg, isla markaana Hal Dal ama Waddan ayaa gaar loogu marti-qaado. Hal-ku-dhegga sannadka waxa loo qaatay Afrika, waxaana Martida koowaad ah Dalka Zambia ee Afrika oo Wafti ka socdaa yimaaddeen Bandhigga.
Iyada oo 17-kii sano ee hore lagu soo qaatay 17 dal oo Afrika ah iyo 17 Hal-ku-dheg oo mid waliba macno iyo miisaan gaar ah lahaa. Bandhigga 18-aad ee Afrika, waxa ka soo qaybgalay, Wufuud ka kala socota 13 waddan oo ay ka mid yihiin, Jabuuti, Itoobiya, Martida koowaad ee Zambia iyo kuwo kale.
Masuuliyiin ka kala socday Golayaasha Dowladda Somaliland, Wasiirro, Siyaasiyiin, Diblamaasiyiin, Qorayaal, Abwaanno, Fannaaniin, Dadka Akhriska jecel iyo marti-sharaf kale oo tiro badan. Waxaana lagu soo bandhigay Buugaag kala duwan, oo intooda badani cusub yihiin, Farshaxanka, Jilista, Fanka, Ciyaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka iyo waxyaabo kale oo aqoonta iyo dhaqanka la xidhiidha.
26-ka bisha Julay ayuu furmay Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa, waxaanu socon doonaa 31-ka bisha August 2025-ka, Muddada Lixda Maalmood ah ee uu socdo, waxa la qiyaasayaa inay xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ee Bandhigga Buugaagtu ka socdo ay soo booqann doonaan illaa toddobaatan kun oo Qof.
Muddadaas waxa lagu soo bandhigi doonaa Buugaag, Dood-cilmiyeedyo, Doodo Dhaqan, Cilmi-baadhisyo Dhaqan, Fan, Suugaan, Farshaxan iyo waxyaabo kale oo la hal-maala.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo si rasmi ah u furay bilawga Bandhigga, ka hor waxa halkaasi ka hadlay Xubno kala duwan.
Guddoomiyaha Xarunta Red See Cultural Foundation ahna Aasaasaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac, ayaa ugu horreyn sharraxay Bandhigga 18-aad oo uu sheegay in Wufuud ka socda 13 ka soo qaybgaleen, waxaanu xusay marxaladaha uu soo maray Bandhiggu iyo waxa uu u kordhiyey Dadka Reer Somaliland iyo guud ahaan Afrika, Dr Jaamac waxa uu tilmaamay in heerka Akhriska iyo Qorista Bulshadu ay si weyn kor ugu kacday 18-kaas sano ee Bandhigga la qabanayey.
Jaamac Muuse Jaamac waxa uu u mahad-celiyey guud ahaan Wufuudda, Masuuliyiinta, Madaxda, Shirkadaha iyo Martida ka soo qaybgashay Bandhigga, Warbaahinta, Hawl-wadeennada Xarunta iyo Saaxiibbada gaarka ah ee Xarunta.
Duqa Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge, Drs Adna Aadan Ismaaciil, Xubno ku hadlayey Afka Wufuudda ka soo qaybgalay Bandhigga, Afhayeen u Hadlay Dalka Martida ah ee Zambia, Diblamaasiyiin iyo Qorayaal. Dhammaantood waxay soo dhaweeyeen Bandhigga Buugaagta Caalamiga ah ee Hargeysa oo ay sheegeen inuu muhiimad wayn u leeyahay Bulshada Afrika, yahayna Bandhigga ugu weyn noociisa ee ka qabsooma dalalka Afrika.
Gebo-gabadii Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa ka hadlay halkaas, waxaanu ka warramay muhiimadda uu Bandhiggani u leeyahay Dalka iyo Dadka Somaliland oo ay aqoontooda qorista iyo akhriska kobcisay, sidoo Kalena uu Bandhiggani Somaliland baray Dad badan iyo dalal badan oo dunida ah. Waxaanu u soo jeediyey Xarunta Dhaqanka inay dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.



































