HARGEISA – Wasiir Cabdale inta aan ka aqaan way yartahay cid ka taqaanaa
__Waxaa Keliya Wasiir Cabdale sharixi kara sidayda qof ay mudada intaas leeg shaqo wadaag ahaayeen ama waxyaabo badan usoo wada joogay__
Mudo ku siman [nus_qarni] ama aan idhaahdo 23_sano ayaan aqaanaa Wasiir Cabdale, laga soo bilaabo 2002 ilaa hada oo ah 2025.
Mudo 9_sano ah waan la shaqaynayay waxaanan ka mid ahaa shaqaalihiisa uu xukumo weliba kuwa ugu dhow_dhow, 2003 ilaa 2012 ayaan si dhow ula shaqaynayay Cabdale.
Inta aan ka aqaan Wasiir Cabdale ayaan maanta idiin sheegi doonaa, iyadoo weliba aan soo koobay.
__Uma Guulwadaynayo oo umaba dhalan guul_wadayn, isla markaana Giriifi maayo oo inta aan ka aqaan ka_kala reebi maayo, oo ma ihi xaasid.
__Qofka uu yahay Cabdale inta aan ka aqaan bulshaduna markhaati iiga tahay__
¤ Cabdale waa oday guurti ah dulqaad leh astaantiisuna tahay waayeelnimo dad isku wad leh.
¤ Cabdale waa nin qiyam leh isla markaana waa ehelu_diin ku kalsoon oo yaqaana qadarka alle
¤ Cabdale waa dood yaqaan aan dacal marin dulucda hadalka kana warwareegin
¤ Cabdale waa nin daacad ah oo aan aqoon munaafaqad iyo mixnad, totally ehelba uma aha wax xumaan lagu sheego
¤ Cabdale waa deeqsi inta gacantiisa wax kujiraan aan MAYA & MAHAYO aqoon
¤ Cabdale waa nin fogaan arag ah oo aan meel gaaban waxba ka fiirin ama ka eegin
¤ Cabdale waa nin [Dictionary] ah isla markaana aad ukala yaqaana bulshada reer somaliland iyo umadaha kaleba
¤ Cabdale waa waaya_arag mudo soo shaqaynaayay weliba kasoo shaqeeyay oo soo maamulay Base_ka bulshada oo ah D/hoose, waxaana aynu garan karaa masuul soo xukumay Dowlad_hoose inuu si fudud umaamuli karo haayad kasta ama wasaarad kasta
¤ Cabdalle waa nin udhibirsan shaqaalaha iyo cida la shaqaysa
¤ Cabdale maaha [Dictator] iyo nin keligii talada heensaysta ama keligii gaadha go,aamada waa masuul ]Transparency] ay tahay taladiisu.
¤ Cabdalle waa nin isku kalsoon [self confidence] leh, isla markaana warkiisa cadeeya marka laysugu yimaado dood, waana nin ka dhex muuqda marba Team_ka uu lajoogo haday yihiin Mayor’s iyo haday yihiin Minsters_ba ama madalo kaleba ha ahaatee.
¤ Cabdale maaha dadka khiyaaliga iyo sheekooyinka been_beenta ah ka hela, maaha dadka [Fake_news]_ka qaata ee dhegaysta waa nin xaqiiqada weheshada oo ka fog huuhaada, raga qaar isticmaalaan.
¤ Cabdale maaha qabyaaladayste kala jeclaysta bulshada waa isugu mid bulshada reer somaliland waana nin ka [talaalan] xanuunka qaar badan la nool ee qabyaalada.
¤ Cabdale waa masuul xiiseeya ciyaaraha gaar ahaan kubada cagta waxaanu taageeraa inta badan kooxda Arsenal. Kkkk
Dhanka kale Wasiir Cabdale maaha masuuliyiinta hadii wax khaldamaan buuqa ee qayliya isla markaana dadka canaanta ama shaqaalihiisa [Handada] ee disappointment ama Dismoral_ka ku rida shaqaalaha isla markaana la KARHO.
Wasiir Cabdale hadii uu helo Team iyo masuuliyiin sidiisa oo kale ah waa nin ay ufududahay shaqadu oo aanay dhib ku lahayn, balse hadii la hagar daameeyo ama mu,amaraad lagula shaqeeyo waa nin aan aqoon sida fajiyada loo xidh_xidho ama loo laaqo hadii la xidhana loo furo [Means] waa daacad udhashay xaruuriyad iyo shikhsiyad nadiifa.
Hada Cabdale waa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka J.s.L, runtii waa shaqadiisii, in kastoo D/hoose oo aqoon durugsan uu ulahaa laga [Dilaaciyay] Wasaarada hadana waa masuulkii ugu haboonaa ee Wasaaradaas tegi lahaa ama loo dhiibi lahaa marka laga eego dhinacyo badan oo kuwa aan soo sheegay ka midyihiin. Walow xukuumadiisa cusub dhiig iyo dhagari la socotay hadana waa ninkii ugu haboonaa ayaan qabaa.
Cabdale wuxuu ka tirsanyahay xukuumada Saaxiibkii Madaxwayne Dr Abdirahman Mohamed Abdilahi [Cirro] oo saaxiibo fog ay yihiin ilaa caruurnimo, Cabdale wuxuu miis lasoo fadhiistaa ama isku meeqaam laga dhigay xubno aan Cabdale ka Graph hooseeya ama aqoontiisa aan gaadhayn, wuxuu Cabdale la doodaa lana fadhiyaa xubno iska daa shaqo Dowladeed ee aan xitaa [Clark] soo noqon oo kasoo booday boqol jaran_jaro, Cabdale wuxuu [Cabinet] kula jiraa qaar badan oo aan fahankiisa lahayn ama aanay islaba jaanqaadi karayn, waase naaiib wax kastoo dhacaaba.
Xukuumada [Dr_Ciro] waxaan odhan karaa Cabdale wuxuu kow kayahay ama laba kayahay xubnaha uu asiibay xulashadooda ama bulshadu ku qanacday, sidaas markay tahay Kooxda Wasiirada ah ee xukuumada [Dr_Cirro] waxaan odhan lahaa [Talo] ahaan waaya_aragnimada Cabdale ka faa,iidaysta intiina Junior_ka ah ayaan sheegayaa ee hada ay shaqaba ugu horayso.
Wasiir Cabdale oo aqoontaas aan u leeyahay isla markaana aan mudadaas lasoo shaqaynayay hada waxaanu kala haynaa [raacaynaa] laba wado dhanka siyaadada, isagu Waa Xisbiga Wadani oo hadana haya taladii dalka, ana waxaan ahay Xisbiga Kaah oo sugaaya una ordaaya inuu qabto talada dalka dhawaan [after Cirro]
Ugu dambayn hadaan cid uun uhayo IXTIRAAM & QADERIN waxaan uhayaa Wasiir Cabdale Maxamed Carab [Cabdale_Sandheee] anoo eegaaya aqoonta aan uleeyahay, iyo inaan mudo lasoo shaqeeyay isla markaana wanaag badani nasoo dhex maray, iyo inuu igu leeyahay abaal mudadii aan la shaqaynaayay oo uu ka mid ahaa masuuliyiintii aan lasoo shaqeeyay kuwii ugu wanaagsanaa ama ugu mudnaa.
Cabdale waa masuulka keliya ee aniga iyo bulsho kale oo badaniba ku tixgeliso xukuumadan [Dr_Cirro] oo wada boog iyo wada baylah ah oo dhaliilaheedu durba furka tuureen, waa masuulka keliya ee aan xasuusto marka aan is idhaahdo buufiba, runtii Wasiir Cabdale waa [Diomand_ta] ama joohorada kudheh jirta xukuumada [Dr_Cirro]
Waxaan kaga baxayaa qoraalkaygan, dhaliilaha xukuumada [Dr_Cirro] waa qaar iska diyaarsan oo daaqadaha saar_saaran, isla markaana aan meel fog laga doonayn, waana waajib na saaran inaanu bulshada horkeeno wixii khaldama, hadaba adeerkay Wasiir Cabdale waxaan leeyahay marka aad maqasho dhawaaqa iyo gariirka xoogan ee kulul ee xaqiiqda xanbaarsan kuna, jahaysan xukuumada aad Wasiirka katahay qaybaheeda kala duwan ee dhaliisha ah, ha dhibsan hana odhan yarkaygii muxuu ujeedaa?! Adeerkay waa inuu ogaadaa inaanu kala raacayno,two different ways, and we are divided between two opposing parties.
[Odhaahdaada horteed afeefbaa la dhigtaa, aqalkaaga hortiisana ood waynbaa la dhigtaa] waa gunaanadka hadalkayga maahmaahdaasina.
BADHEEDHUHU RUUXDA WAA KA BADH.
Abdikalik Abdilaahi Awal Bari

















