Badhasaabka Gabiley Oo Soo Dhaweeyay Wefti Ka Socda G.Guurtidda

0
599

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa magaaladda Gabiley ku soo dhaweeyay weftiga sare oo ka socday golaha Guurtida Somaliland.


Xubnahan xildhibaanadda ah ayaa ahaa guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtidda Somaliland, kuwaasoo hawlo shaqo u trgay gobolka Gabiley.

Badhasaabka Gabiley C/qani Jiidhe, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxaan yahay safarka shaqo ee ay weftigan Guurtida ah ku yimaadeen gobolka Gabiley.


Waxaanu tilmaamay in booqashadda xildhibaanadani ay ku soo beegantay xilli muhuumad weyn qaranka JSL u leh, maddaama oo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha loo diyaar garoobayo.


C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa intaas raaciyay in bulshada gobolka Gabilay ay si buuxda ugu diyaarsan yihiin is-diiwaan-gelinta, oo ahmiyadda weyn u leh gobolka iyo guud ahaan ba qaranka JSL.


Geesta kale guddoomiyaha ayaa u mahad-celliyay shacabka sharafta leh ee reer Gabilay oo si diirran ula soo dhaweeyey weftigan miisaanka culus leh ee gobolka soo gaadhay.

DAAWO: Kelmadii Badhasaabka Gabiley Ee Soo Dhawaynta Weftiga G. Guurtidda:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here