Badhasaabka Gabiley Oo Kormeeray Mashaariicda Sanadkan Laga Fuliyay Gobolkaasi

0
590

Gabiley (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta soo kormeeray mashaariicda dhammaaday ee degmooyinka gobolkaasi laga hirgeliyay sannnadkan sii galbanaya ee 2021-ka.
Waxaana kormeerkaasi badhasaabka ku wehelinayay maayarka Gabiley Maxamed-aamiin Cumar Cabdi, iyo masuuliyiin kale, waxaanay mid mid u soo mareen qaybaha kala duwan ee mashaariicda gobolkaasi laga fuliyay.


Mashaariicdaasi oo ka kooban 7 mashruuc ayaa qaarkood waxay ka socdaan magaalo madaxda gobolka Gebiley.
Kuwaasoo kala ah dhismaha dugsiga Dadka Qaba Baahiyaha Gaarka ah, Waddo afar haad ah oo Laami ah oo isku xidhaysa magaallada ku xidhaysa Biriijka iyo xafada Shirif Cali, Hool Meeqaamkiisu sarreeyo oo loogu tala-galay shirarka golaha deegaanka iyo laba MCH iyo Labo Garroon oo kubadda cagta ah.

Mashariicdaasi uu badhasabaku soo kormeeray maanta waxaa ka mid ah:
1. Dhismaha biriij Shariif Cali.
2. Balaadhinta iyo dayactirka xanaanada dhexe
3. Dhismaha iskuulka dadka baahiyaha gaarka ah leh.
4. Dhismaha garoomada rooga ah ee iskuulka Sheikh tusbaxle
5. Hoolka shirarka ee golaha deegaanka degmada Gabiley.
6. dhisme lagu kordhinayo xanaanada new Gabiley.
7. Garoonka kubadda cagta ee Magaalada Arabsiyo.

C/qani Maxamuud Jiidhe, badhasaabka gobolka Gabiley ayaa bogaadiyay intii ay kormeerka ku gudo jireen u kuur-galka mashaariicdan horumarineed sida hufan ee xilkasnnimada leh ee fullinta mashaariidan ay sida habsamida leh ay ugu socdeen.
Waxaanu badhasaabku si gaara u bogaadinayaa duqa magaaladda Gabiley, golaha deegaanka iyo isku duweyaasha wasaaradaha qaybta ku leh hirgellinta mashaariicdan si masuuliyad wadeerada oo uga hawl-galayey.


DAAWO: Badhasaabka Gabiley Oo Mashaariicdaasi Ka Warbixinaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here