Badhasaabka Gabiley Oo Kormeer Ku Soo Maray Wajaale iyo Kalabaydh

0
431

Tog-Wajaale (HP): Badhasaabka gobolka Gabiley C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta kormeer ku tegay magaallo ganacsyeedka xuduudka Somaliland iyo Itoobiya ee Tog-Wajaale iyo Kalabaydh.


Kormeerkaasi waxaa badhasaabka ku wehelinayay badhasaabka ku-xigeenka Gabiley Cali Case, xildhibaanadda golaha deegaanka Gabiley iyo isu-duwayaasha wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee gobolka Gabiley.


Ujeedka socdaalka badhasaabka ayaa ku aaddanaa dar-dargellinta adeegyada dawliga ah iyo u kuur-galka xaaladda guud ee degmadaasi oo ah mid aad muhiim ugu ah gobolka Gabiley iyo dawladda Somaliland ba.

Weftiga badhasaabka ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaaladda Tog-Wajaale, iyadoona ay soo dhawayntaasi ka qayb qaateen maamulka degmadda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda magaaladaasi.
Waxaanu badhasaabku uga mahad celiyay maamulka degmada Tpg-Wajaale iyo qaybaha bulshada ee sida diirran ee ay noo soo dhaweyeen.
Sidoo kale badhasaabka iyo xubnaha kale ee wehelinayay ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Wajaale, odayaasha iyo waxgaradka magaaladaasi.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo ka jeediyay kulankaasi ku bogaadiyay qaybaha maamulka degmada in shaqooyinka ay hayaan ay s hufan u gutaan, isla markaana ay sii dar-dargelliyaan.

Waxa kaloo uu badhasaabku bulshada iyo maamulka Tog-Wajaale uu ku adkeeyay kuna gubaabiyey adkaynta amaanka degmadan iyo kan xuduudkaba.

HALKAN KA DAAWO KULANKAASI IYO HADALADII LAGA JEEDIYAY:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here