Hargeysa,(HargeisaPress) –Bangiga Dhexe ee JSL, ayaa dib u casriyeynta ku wada nidaamka Maaliyaddeed ee dalka, gaar ahaan lacag bixinta qaranka, waxaana ay wadaan dhismaha nidaam Maaliyaddeed oo Dhijitaal ah kaas oo kor u qaadaya ilaalinta badqabka Maaliyaddeed ee muwaadiniinta sidoo kale na u suurogelinaya inay aaminaan nidaamka maaliyaddeed ee dalka.
Guddoomiye ku xigeenka Baanka Dhexe ee JSL Mudane Xamse Cabdiraxmaan Khayre oo ka hadlaayey dhismaha nidaam maaliyaddeed oo Dijitaal ah, wuxu yidhi: “Bangiga Dhexe ee Somaliland barnaamijkiisa dib u casriyeynta Maaliyadda, gaar ahaan barnaamijka lacag bixinta qaranka ee aan imika gacanta ku hayno, wuxu waajahan yahay in la dhiso nidaam maaliyaddeed oo dhijital ah oo la aamini karo loo dhan yahay isla markaana isla markaana ilaalinaya badqabka maaliyaddeed ee muwaadiniinta”.
Mudane Xasme Cabdiraxmaan Khayre oo sidoo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ka hadlay muhiimadda dhismaha nidaam maaliyaddeed oo muwaadiniintu ku kalsoonaan karaan, ayaa wuxu yidhi: “Ujeedadayadu na way fududahay oo waxaynnu u baahanahay inaynu dhisno nidaam maaliyaddeed muwaadin kasta isaga oo ku kalsoon ka shaqeysan karo, shillin kasta na la raad raaci karo haddii ay wax qaldamaan, cid ka faa’idaysata oo ku dhibaataysaana aanay soo dhex gelin nidaamkaas ayaanu gacanta ku haynaa”.

















