Ardaydii Somaliland ee Itoobiya ka helay Deeqda Waxbarasho oo safar rafaad ah ka dib maanta gaadhay Addis Ababa

0
282

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Ardaydii reer Somaliland ee Scholarship ka helay Itoobiya oo ay shan cisho ay ku qaadatay inay Hargeysa iyo Addis Ababa u kala socdaan, ka dib markii Xafiiska Tacliinta sare iyo Wasaaradda Waxbarashada Somaliland si farsamo xumo ah u geliyeen safar rafaad badan.

Ardayda reer Somaliland oo saaka gaadhay xaafadda Poli mak’il ee Addis ababa, ayaa la marsiiyay Safar rafaad iyo dhib badan oo shan cisho qaatay, iyagoo sheegay inay la kulmayeen, cunto la’aan, gaadiid kala duwan oo kolba magaala laga saarayey jidka u dhaxeeya Hargeysa, Jigjiga illaa Diridhaba, halkaas oo xalay Tareen laga soo saaray, kaas oo saaka geeyey Addis Ababa.

Waxa ay sheegeen in maamulka Tacliinta sare si bilaa nidaam ah safarkaas usoo galiyeen, isla markaana kharashaadkii xukuumaddu ka soo bixisay laga baday cunto la’aan ama cunto yaraan iyo inay qaarkood jidka ku soo xanuunsadeen markii kolba la joojiyey istaan looga kiraynayey Basaska rakaabka ee ugu liita.

Ardayda qaarkood, ayaa sheegay inay jidka ku sii xanuunsadeen, maaddaama safar habeen iyo maalin loogu talogalay uu shan cisho ku qaatay, cunto xumo iyo Cimilo-geddisna la kulmeen muddadaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here