Arday Ka Qalin Jebiyay Dugsiga Abaarso Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyay

0
595

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflada qalin-jabinta dufcadii 10aad ee ka baxda Dugsiga sare ee Abaarso School ee Galbeedka Hargaysa ku yaalla.


Waxaana munaasibadaasi ka soo qeyb galay Agaasimaha guud ee Barnaamijka Shaqo qaran Mudane Maxamed Xuseen Cismaan, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, waalidiin  tiro badan, qaar kamida ardaydii hore uga aflaxday dugsiga.


Madaxweyne ku-xigeenka oo munaasibadaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba u hambalyo u diray dhammaan ardayda ka baxday Dugsiga sare ee Abaarso.
Waxaanu sidoo kale u mahadceliyey  cidkasta oo ka qeyb qaadatay aasaaskii Dugsiga Abaarso, isagoo xusay in Dugsiga abaarso  ay ka aflaxeen kumanaan dhalinyaro reer Somaliland oo aqoonyahano ah.


Saylici, ayaa ardayda maanta ka baxday Dugsiga Abaarso kula dardaarmay inay muujiyaan dedaal weyn islamarkaana ay maraan waddadii ay mareen ardaydii ka horaysay islamarkaana ay aqoontooda sii kordhiyaan.


Dhanka kalena waxa uu Madaxweyne ku xigeenku sheegay inaanay marnaba aqbalayn dacaayadaha raqiiska ah ee laga faafiyo dugsiga Abaarso isagoo xusay in dugsigaasi uu sumcad badan usoo jiiday Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here