Hargeysa (Hargeisa Press)– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday shirkado caalami ah oo ay ka mid yihiin Sorted Wallet, Tether, XBA, iyo Global Exchange & Money Transfer.
Weftigan, ayaa u yimi Jamhuuriyadda Somaliland indho-indhayn la xidhiidha fursadaha maalgashi ee dalka.
Intii uu kulankaasi socday, Agaasimuhu waxa uu weftiga si qoto dheer ugu sharaxay nidaamka sharciga ee Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xusay in dalka uu leeyahay hannaan sharci oo sugan oo dhiirrigeliya maalgashiga shisheeye.
Waxa uu hoosta ka xariiqay in Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland si cad u ogol yahay maalgelinta shisheeye, iyadoo loo marayo xeerarka iyo siyaasadaha dalka ee ka farcama Dastuurka, kuwaas oo lagu hago ganacsiga, maalgashiga, iyo ilaalinta xuquuqda maalgashadayaasha.
























