Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo gureynta Somaliland Maxamuud Suldaan Aadan Yuusuf, ayaa ka waramay habraacyada, xeerarka iyo siyaasadaha ee lagu maamulayo dhulka iyo gureynta ee ay wasaaraddu qaranka ugu xil saaran tahay.
Agaasimaha wasaaradda Hawlaha guud oo u warramay warbaahinta dowladda Somaliland, ayaa waxaa uu sheegay in habraacyadaasi kala duwan ee lagu maamulayo dhulka iyo gureynta ay wasaaraddu dhamaystirtay, halka qaarkoodna waxka bedel lagu sameeyay.
Waxaa uu sidoo kale agaasimuhu fariin u diray shirkadaha kala duwan ee dhismaha, isagoona ugu baaqay in ay cusboonaysiistaan ruqsadaha ay ku hawl galaan.
Agaasimaha, ayaa waxaa kale oo uu xusay in Wasaaradda Hawlaha guud ay leedahay qorsheynta arrimaha dhulka, isla-markaana ay wasaaraddu ku maamulayso siyaasadaha ay ka midka yihiin, siyaasadda diiwaangelinta hantida ma guurtada ah, siyaasadda gureynta, siyaasadda magaaleynta iyo siyaasado badan.
Wuxuu sheegay inay siyaasadahaasi ay hoos imanayaan habraacyada kala duwan ay wasaaraddu ku talo gashay in ay ku maamusho nidaamka dhulka iyo gureynta.
Agaasimaha, ayaa habraacyadaasi ku sheegay inay ka mid yihiin, habraaca gureynta, habraaca shirkadaha dhismaha, habraaca badqabka shirkadaha dhismaha shaqaalahooda iyo habraacyo kale oo badan.