Ceerigaabo,(HargeisaPress)– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada, Mudane Mukhtaar Baaxo, ayaa maanta soo gaadhay Gobolka Sanaag isagoo hogaaminaya wafti heer sare ah oo ka socda hay’ado kala duwan.
Ujeeddada safarkani waxay ahayd xog-ogaalnimo iyo qiimayn dhab ah oo lagu sameynayo goobihii uu dabku dhowaan ka kacay, gaar ahaan aagagga Buurta Daallo oo ay kamid yihiin: Xidhxidh, Gaacidh, iyo Madar Moge.
Waftigu waxa ay si dhow u kormeereen burburka dabiiciga ah ee ka dhashay dabka, iyadoo diiradda la saarayay saamaynta deegaanka, nolosha duurjoogta, iyo xaaladaha bini’aadanimo ee laga yaabo inay kasoo kordhaan.
Booqashadan waxa ay qeyb ka tahay dadaallada wasaaraddu ku doonayso in la helo xog sax ah oo loogu gudbiyo hay’adaha gargaarka iyo dowladda dhexe, si loo dardargeliyo wax ka qabashada dhibaatadaas.

























