Burco,(HargeisaPress)— Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada JSL, Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo), oo kormeer shaqo ku tagay magaalada Burco.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Cabdi Jaamac (Baaxo), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta wasaaradda ee magaalada Burco, isaga oo ay wehelinayeen wafti uu hoggaaminayo.
Ujeeddada safarka ayaa ahayd kormeer iyo indha-indhayn rasmi ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta iyo dib-u-hubinta qaxootiga iyo magangelyo-doonka ee ka socda xarunta Burco. Hawshan waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga (UNHCR), iyadoo lagu xaqiijinayo habsami u socodka adeegyada la siiyo dadka nugul ee adeeggaas u baahan.
Intii uu ku sugnaa magaalada Burco, Agaasime Guud Baaxo wuxuu kulamo gaar ah la yeeshay shaqaalaha Wasaaradda ee gobolka Togdheer. Kulamadaas ayaa diiradda lagu saarayay xaaladda guud ee shaqada, caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada la xiriira dib-u-dejinta iyo arrimaha bini’aadantinimada. Shaqaalaha ayaa soo bandhigay warbixino muhiim ah oo la xiriira hawlgalka wasaaradda ee gobolka.
Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu booqasho ku tagay Xafiiska Muhaajiriinta ee MRC–Burco, oo hoos yimaada maamulka Wasaaradda Dib-u-dejinta. Halkaas ayuu kulan xog-wadaag ah kula yeeshay shaqaalaha xarunta, isaga oo ku bogaadiyey dedaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay u adeegidda muwaadiniinta iyo muhaajiriinta u baahan taageero iyo garab istaag.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dedaallada joogtada ah ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada ay ku hubinayso tayada iyo joogteynta adeegyada ay u hayso bulshada nugul, qaxootiga iyo dadka barakacay.





















