Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo qaabiley Shirkaddo Maalgashi

0
893

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa waxaa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socday shirkaddo maalgashi.

Weftigan ka socda Shirkadaha maalgashi ee uu Agaasimuhu la kulmay, ayaa waxaa ay kala yihiin, Sorted Wallet, Tether, XBA, iyo Global Exchange & Money Transfer.

Weftigan, ayaa waxaa ay booqasho ganacsi iyo indho indhayn ah ku yimaadeen caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Booqashada shirkadahani waxay qayb ka tahay dadaallada lagu dhiirrigelinayo maalgashiga caalamiga ah.

Waxaana ay ka turjumaysaa xiisaha sii kordhaya ee Beesha Caalamku ay u qabto fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here