Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha JSL Oo ka qayb galay xuska Maalinta Carruurta Adduunka + SAWIRRO

0
228

Hargeysa,(HareisaPress) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Dastuurka JSL,

Mudane Khadar Nuur Cabdi (Buubaal),
ayaa ka qayb galay xuska Maalinta Carruurta Adduunka, oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska.

Xuskan oo sanad walba la qabto 20-ka November, lana xuso Maalinta Carruurta Adduunka, ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay ilaalinta xuquuqda carruurta iyo kor u qaadista adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin.

Agaasimaha Guud Mudane Khadar Nuur Cabdi, ayaa hambalyo u diray dhammaan carruurta adduunka, gaar ahaan carruurta Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee carruurtu ku leeyihiin mustaqbalka qaranka.

Sidoo kale, Agaasimuhu wuxuu ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha arrimaha carruurta in ay ku garab istaagaan Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, oo hoggaamineysa dadaalka lagu xaqiijinayo in carruurta Somaliland ay helaan adeegyada ay dammaanad qaadayaan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here