Hargeysa,(HargeisaPress)– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL Md. Maxamed Xasan Saleebaan ayaa galabta kulan muhiim ah kula yeeshay Xarunta Wasaaradda wafdi ka socda Baanka Adduunka oo uu hoggaaminayo Mr. Christoph Oberlack.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo dardargelinta mashaariicda uu Baanka Adduunku ka taageero Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo sidoo kale laga wadahadlay hanaanka diyaarinta qorshe-hawleedka mashaariicda cusub ee la filayo in dhawaan la bilaabo.
Waxa sidoo kale intii kulanku socday wax la is ka weydiiyey caqabadaha iyo xalalka suurtogalka ah ee lagu badhi-taarayo habsami-u-socodka mashaariicdaas socota ee Baanka Adduunku ka teegeero Somaliland iyada oo dib u habayn lagu sameynayo sida loo maamulo hirgalintooda, si ay u noqdaan kuwo wax-ku-ool ah. Geesta kale waxa ay labada dhinacba tilmaameen sida ay muhiimka u tahay ka midho-dhalinta ujeedooyinkii looga dan lahaa mashaariicdaas.
Kulankan galabta Xarunta-dhexe ee Wasaaradda ku dhex maray Agaasinka Guud ee Maaliyadda iyo Bangiga-aduunka ayaa qayb ka ah dedaallada joogtada ah ee lagu adkaynayo iskaashiga Wasaaradda Maaliyadda iyo Baanka Adduunka, waxaanu sii socon doonaa illaa berri hadii Rabi Qadaro, iyadoo lagu falanqayn doono qodobbo dheeri ah oo la xidhiidha mashaariicda horumarineed ee labada dhinac.






























