Burco,(HargeisaPress) – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dib-udejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada Mukhtar Abdi Jama (Baaxo), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay qaar ka mid ah xeryaha barakacayaasha (IDPs) ee ku yaalla magaalada Burco, xarunta gobolka Togdheer.
Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa in si toos ah loo indha-indheeyo xaaladda nololeed ee dadka barakacayaasha ah, lana qiimeeyo heerka adeegyada bini’aadantinimo ee ay helayaan, sida hoyga, biyaha nadiifka ah, nadaafadda, iyo helitaanka adeegyada caafimaad iyo waxbarasho.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Agaasimaha Guud wuxuu la kulmay qaar ka mid ah qoysaska ku nool xeryaha, isagoo dhegaystay cabashooyinkooda, baahidooda, iyo talooyinkooda la xiriira adeegyada ay u baahan yihiin. Sidoo kale, wuxuu kulammo la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda ee heer gobol, maamulka degmada Burco, iyo hay’adaha samafalka ee ka hawlgala deegaanka.
Mudane Mukhtar Baaxo ayaa carabka ku adkeeyey in wasaaraddu ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada la gaadhsiiyo dadka barakacayaasha ah iyo xoojinta iskaashiga ay la leedahay hay’adaha samafalka si loo daboolo baahiyaha degdegga ah ee xeryaha IDPs-ka.
Kormeerkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Dib-udejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada ay ku xaqiijineyso in bulshooyinka nugul ee barakacayaasha ah ay helaan taageero muuqata iyo adeegyo waxtar leh oo joogto ah.






















