Agaasimaha Baanka Somaliland oo furay tababar ku saabsan kobcinta-aqoonta shaqaalaha Baanka

0
879

Hargeysa (Hargeisa Press) – Agaasimaha Guud ee Baanka Somaliland, Mudane Yaasin Jaamac Axmed (Calase), ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo diiradda lagu saarayo kobcinta aqoonta shaqaalaha Baanka ee la xidhiidha tirakoobyada lacagta iyo falanqaynta warbixinaha maaliyadeed.

Tababarkan oo socon doona muddo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galay xubno ka socda waaxyaha muhiimka ah ee Baanka, oo ay ka mid yihiin:

* Qaybta Siyaasadda Lacagta
* Qaybta Kor-joogtaynta Hay’adaha Maaliyadeed
* Qaybta Qorshaynta iyo Cilmi-baarista
* Qaybta Maamulka Daymaha
* Qaybta Maareynta Khataraha

Tababarkan ayaa waxaa si mutadawacnimo ah u bixinaya khabiirka sare ee arrimaha maaliyadda, Mudane Faarax Axmed, kaas oo ka qeyb-galayaasha ku baraya hababka casriga ah ee loo tirakoobo lacagaha dhaqaalaha ku jira, iyo falanqaynta warbixinaha maaliyadeed ee baanka si loo xoojiyo ilaalinta khataraha dhaqaale.

Agaasime Yaasin Calase ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka yahay dadaallada Baanku ugu jiro tayaynta shaqaalaha iyo sare u qaadista hufnaanta maaraynta siyaasadda lacageed, taas oo laf-dhabar u ah koboca dhaqaale ee dalka.

Tababarkani waxa uu muhiimad gaar ah u leeyahay horumarinta awoodda farsamo ee shaqaalaha, si loo helo xog sax ah, qiimeyn qoto dheer iyo go’aan qaadasho maaliyadeed oo ku salaysan cilmi iyo xog rasmi ah.

HargeisaPress News Desk – Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here