Agaasimaha Arrimaha Dibedda Somaliland oo maamusey Aqoonyahan Cabdisalaan Muuse Guuleed

0
1136

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa maanta hadhimo sharafeed ku maamuusay Aqoonyahan Cabdisalaan Muuse Guuleed.

Aqoonyahan Cabdisalaan Muuse Guuleed, ayaa waxaa uu ka mid noqday 100 ka qof ee ugu fiican ee laga soo doortay Africa kaas oo kaga mid noday mashruuc uu qoray.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Axmed Abokor Maxamed, ayaa aqoonyahan Cabdisalaan uga mahadnaqay mashruuca uu qoray iyo guusha weyn ee uu dalkiisa Somaliland u soo hooyay, isagoona faray inuu qadiyada aqoonsiga Somaliland geeyo dalkasta oo adduunka ka mid ah.

Aqoonyahan Cabdisalaan Muuse Guuleed, ayaa shir ka dhici doona magaalada Ottowa ee dalka Canada waxaa uu ku soo bandhigidoona mashruuca uu qoray, isaga oo ku matalaya mudane ka socda dalka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here