“Adduunkii oo dhami Somaliland ayuu isugu yimid waxaana sabab u ah”…

0
395

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa sheegay in adduunku uu si weyn ugu soo jeestay qadiyadda Somaliland.
Waxaanu xusay waiirku in sanadahan danbe ay Somaliland si weyn ugu soo qul-qulayaan wufuud ka kala socota dawlado kala duwan oo mid waliba uu danaynayo sidii uu Somaliland xidhiidh ula yeelan lahaa.
Wasiir Maxamed Xaaji Aadan, ayaa sababta arrintaasi ku tilmaamay nabad geliyadda iyo xasiloonidda ay Somaliland gaadhay dhinacayadda Badda iyo berrigaba.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad lagu dhagax dhigayay xarunta xanaanaynta Harimacadka oo laga hirgelinayo degaanka Geed-deeble ee woqooyga Hargaysa.

DAAWO: Wasiir Maxamed Xaaji Aadan Oo Arrimahaasi Ka Hadlaya:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here