Hargeisa (Hargeisa Press)- Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), ayaa waxaa uu si adag uga hadley bandhig suugaaneed uu caawa ku qaban lahaa magaalada Berbera oo ay xukuumada Somaliland ka joojisay.
Abwaan Weedhsame ayaa amarka xukuumada Somaliland ku joojisay bandhig suugaaneedkiisa ku tilmaamay mid bilaa sabab ah oo ka baxsan xilkasnimada iyo xeerarka Somaliland.
Wuxuu sheegay in dhallinyarada reer Berbera uu ku bogaadinayo hab-dhaqankii qaan-gaadhka ahaa ee ay kaga fal-celiyeen qalqaalinimadii xukuumaddu kula kacday.
Dhinaca kale, Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), ayaa shaaciyay in uu warbaahinta la wadaagi doono sidii ay wax u dhaceen iyo wixii uu kala kulamay goobta.
Abwaan Weedhsame ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kooban oo uu goordhaywad soo dhigay boga uu ku leeyahay Facbooga oo ay soo xigatay Shabakada Hargeisa Press, wuxuuna u dhignaa sidan:-
“Ka dib markii Xukuumadda Somaliland si xeerarka dalka iyo xil-kasnimadaba ka baxsan oo bilaa sabab ah iiga joojisay Bandhig-suugaaneedkii aan reer Berbera la wadaagi lahaa, waxa aan dib ugu noqday Magaalada Hargeysa.
Waxan u mahad-celinayaa guud ahaan dadweynaha gobta ah ee reer Berbera, gaar ahaanna ‘Naadiga akhriska iyo qoraalka Berbera’ oo ahaa ciddii casuumada ii fidisay, isla markaan qabanqaabisay xafladan la iga hor istaagay. Waxan dhallinyarada reer Berbera ku bogaadinayaa hab-dhaqankii qaan-gaadhka ahaa ee ay kaga fal-celiyeen qalqaalinimadii xukuumaddu ku kacday.
Waxan sidoo kale u mahad-celinayaa asxaabtaydii reer Berbera, gaar ahaan macalimiintii aanu isku reer cammuud ahayn ee uu hormoodka u ahaa Cabdiqaadir Fartaag.
Haddii Alle idmo, Sidii wax u dhaceen iyo wixii aan la kulanay waxan la wadaagi doonaa warbaahinta.”
Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.