Jabuuti oo Mowqif Cad Ka Qaadatay Dacwada Kala Dhaxaysa DP WORLD

0
881

Djibouti (Hargeisa Press)- Dawladda Djibouti ayaa maanta si rasmi ah uga hadashay bayaankii dhawaan ka soo baxay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DP-World oo sheegtay in ay mar kale ku guulaysteen dacwad kala dhexaysay dawladda Jabuuti, oo ay qaadaysay maxkamad ku taala magaalada London.

Dacwaddan ayaa qayb ka ah dacwado ka horeeyay oo ay shirkaddu u gudbisay maxkamadda dalka Britain kadib markii ay dowladda Djibouti waxba kama jiraan ku tilmaantay heshiis hore oo ay labada dhinac wada galeen sanadkii 2006.

Haddaba maamulaha guud ee dekedaha dalka Jabuuti Abubakar Cumar Xaddi, oo manta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Djibouti ayaa sheegay in aanu jirin haba yaraatee heshiis toos ah oo ay la galeen shirkadda DP-Wolrd, balse shirkadaasi ay qayb ka ahayd maal galinta dekedaha Djibouti.

”Dawladda Jabuuti waxaa ay qandaraas la gashay DCT, oo Dp World ka tahay saami laga tiro badan yahay boqolkiiba 33 ayay ku leedahay, boqolkiiba 76 waxaa iska leh dowlada Jabuuti “ ayuu yidhi maamulaha guud ee dekedaha Jabuuti.

Xadi ayaa ku adkaystay in Dp World kaliya la siiyay fursad ah maalgelinata dekedaha Jabuuti.

Anagu waanu diidnay inaanu ka qaybgalno maxkamadaas, wax hadii ay ganacsi tahay waxaa  meesha yaala waxay tahay magdhow, Jabuutina waxaa ay diyaar u tahay magdhawgaas.”ayuu raaciyay.

Wuxuu ku daray, Laakiin ragas Dp World uma socdaan lacag, waxay doonayaan inay qabsadaan dekedaha Badacas ee Jabuuti, halkaasna ku horjoogsadaan horumarka dekedaheena”.

Isagoo hadalkiisa sii wata maamulaha guud ee dekedaha Jabuuti ayaa wuxuu ku gacan saydhay go’aanka ka soo baxay Maxkamada London.

Go’aanka ayaa ahaa in Jabuuti ay mudo saddex bilood gudahood ah ku bixiso magdhaw ama dib ay ugu celiso Dp Wolrd xuquuqda iyo faa’idooyinka laga sameeyay qandaraaskaa.

 

Hargeisa Press Desk/Jabuuti Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here