Hargeysa, (HargeisaPress) —Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka mid ah Abwaannada Soomaalida kuwa ugu heesaha badan ee Suugaanta iyo Fanka ku soo jiray kontonkii sannadood ee u dambeeyey, ayaa Fannaaniinta dambe kuwooda qaababka dhaqanka Soomaalida iyo Diinta Islaamka ka dhanka ah anshaxooda ay joojiyaan siday u dhaqmayaan, isaga oo tilmaamay in Sawir laga naxay oo Fannaanadda Deeqa Afro ay xalay soo saartay oo aad looga cadhooday ama looga xumaaday.
Abwaan Axmed Saleebaan Bidde, waxa uu ku taliyey in Fannaaniinta Soomaalida ee Qurbaha ka soo heesa iyo kuwa gudaha ka heesaaba, ay dhaqankooda iyo diintooda suubban ilaaliyaan oo aanay anshaxa fanka Soomaalida ka gudbin, kuna dayannin qaabka looga dhaqmo waddamada Gaalada ee ay ku nool yihiin iyo fannaaniinta aan Islaamka ahayn ee ay daawadaan.
Axmed Saleebaan Bidde oo ka hadlaya arrimahaas iyo kuwo kale-ba oo maanta la hadlay Bulsho TV, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wanaagsan